Erik ten Hag ayaa dib ugu yeeshay laba ciyaartoy oo Manchester United ah oo la illoobay, kuwaas oo kusoo bilaaban doona ciyaarta caawa ee Burnley ee Carabao Cup.
Red Devils ayaa dib ugu soo laabanaysa garoomada markii ugu horreysay tan iyo intii loo baxay fasaxa Koobka Adduunka, waxaanay foodda is-dari doonaan Burnley wareegga 16ka Carabao Cup oo garoonka Old Trafford mar dhow ka bilaabmaya.
Erik ten Hag ayaa la sheegay inuu go’aan ku gaadhay inuu ciyaartan kusoo bilaabo goolhayaha aan wali isku qorin taariikhda kooxda ee aanay xataa taageereyaasha badankoodu la soconin inuu kooxdooda ka tirsan yahay ee Martin Dubravka oo xagaagii kaga soo biiray Newcastle United.
Dubravka oo amaah ay kusoo qaadatay Manchester United ayaa hal ciyaar oo kaliya u saftay Manchester United, waxaanay ahayd wareeggii saddexaad ee tartankan ee Aston Villa, iyadoo ciyaartaas la nasiyey David De Gea oo 20 ciyaarood kusoo bilowday.
Waxa kale oo uu Erik ten Hag kusoo bilaabayaa difaaca midig ee Aaron Wan-Bissaka oo ay u noqon doonto kulankiisii labaad ee xilli ciyaareedkan uu u safto Red Devils, waxaanay ciyaartaas hore ahayd kulankii Liverpool ee August 22 oo afar daqiiqadood oo kaliya uu kasoo muuqday ciyaartii Liverpool ay 2-1 kaga badiyeen, kaddib markii uu Diogo Dalot dhaawac ku baxay dhamaadkii ciyaartaas.