Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Karim Benzema Oo Sameeyey Ficil Uu Kaga Aargoosanayo Xiddigaha Xulka Faransiiska

by Abdiwahab Ahmed
December 23, 2022
0
DEG-DEG: Karim Benzema Oo Sameeyey Ficil Uu Kaga Aargoosanayo Xiddigaha Xulka Faransiiska

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa sii wada inuu ka fogaado ciyaartoyda iyo tababareyaasha xulka qaranka Faransiiska, kaddib markii loo diiday inuu ciyaaro Koobkii Adduunka ee Qatar lagu qabtay oo isaga oo dhaawac fudud qaba uu Didier Deschamps ka saaray ciyaartoydiisa.

ADVERTISEMENT

Karim Benzema ayaa hore u shaaciyey inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah oo aanu mar dambe u safan doonin xulka Faransiiska, waxaanu go’aankiisaas shaaciyey Isniintii toddobaadkan, maalin kaddib markii ay Argentina rikoodheyaal ku garaacday Faransiiska.

Waxa kasii horreysay in uu Karim Benzema xidhiidhka u jaray tababare Didier Deschamps, ku xigeennadiisa iyo dhakhtarka kooxda intaba, taas oo uu sameeyey maalmo kaddib mrkii uu tababaruhu ku wargeliyey inuu iskaga dhex baxo ciyaartoyda xulka.

Benzema oo sii wada inuu ka aargoosto, sidoo kalena ka fogaado ciyaartoyda xulka qaranka Faransiiska ayaa qaaday tallaabo kale oo maanta uu ku dhaqaaqay, taas oo si dhab ah usoo afjari doonta xidhiidhadii ay ciyaartoyda lahaayeen, xataa kuwii ay saaxiibbada hore u ahaan jireen, marka laga reebo shan ciyaartoy oo kaliya.

ADVERTISEMENT

Xiddiga sannadka ee haysta abaal-marinta Ballon d’Or ayaa jaray xidhiidhkii baraha bulshada, waxaana uu dhamaan saaxiibtinimadii Instagram kala laabtay ciyaartoyda xulka, marka laga reebo shan ciyaartoy oo kaliya oo laba ka mid ah ay u wada ciyaaraan Real Madrid, midna hore ay Santiago Bernabeu waqti ugu soo wada qaateen iyo laba kale.

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023

20 ka mid ah 25ka ciyaartoy ee xulka qaranka Faransiiska ee tegay Koobkii Adduunka ayaa uu Benzema u jaray xidhiidhkii baraha bulshada, balse waxa uu kala hadhay saaxiibbadiisa Real Madrid ee Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouameni. Sidoo kale, Raphael Varane oo ay waqti badan usoo wada ciyaareen Real Madrid ayaa isaguna ka  mid ah shanta ciyaartoy ee aanu xidhiidhkooda jarin.

Kylian Mbappe oo ay saaxiibtinimo qoto-dheer ka dhaxayso iyo da’yarka uu dhalay halyeygii difaaca reer France ee Lillian Thuram ee Marcus Thuram ayaa ah iyagana uu saaxiibtinimadooda ilaaliyey Karim Benzema, waana shantaas ciyaartoy oo kaliya kuwa uu xidhiidhkoodii Instagram sii jiro.

Waxa kale oo uu Karim Benzema xidhiidhka kala laabtay dabaakha caanka ah ee reer Dubai ee Nusret Gokce oo loo yaqaano Salt Bae.

ADVERTISEMENT
Share510Tweet319
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.