Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa go’aan lama filaan ah ka gaadhay finalka Koobka Adduunka ee Axadda oo ay kooxdiisa Real Madrid u fasaxday in uu ka qayb-galo, laakiin illaa hadda aanu tababare Didier Deschamps ugu yeedhin inuu ku laabto xulka oo uu sharcigu u ogol yahay maadaama aan laga saarin liiska.
Karim Benzema ayaa go’aansaday in aanu tegin ciyaarta finalka ee dalkiisu uu la ballansan yahay Argentina, waxaanu iska joogi doonaa caasimadda Spain ee Madrid oo uu kasii wadan doono tababarka uu la qaadanayo ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid.
Didier Deschamps oo aan booskii Benzema ee xulka kusoo beddelin ciyaartoy kale ayaa xalay ka gaabsaday mar la weydiiyey in uu xiddigan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or uu u yeedhayo finalka.
Sida ay sheegtay warbaahinta Televo ee waddanka Spain aadka looga akhristo, Karim Benzema qorshaha uguma jirto inuu tago magaalada Doha ee waddanka Qatar, halkaas oo uu ka tegay markii uu dhaawacmay 19kii December isaga oo tababarka la qaadanaya ciyaartoyda xulkiisa.
Karim oo kasoo kabtay dhaawacaas ayaa waxa uu tan iyo Sabtidii tababarka ku qaadanayay Valdebebas oo uu Carlo Ancelotti kusoo dhoweeyey, waxaana la arkayay isaga oo ciyaartoyda kooxdiisa si buuxda ula tababaranaya oo aan wax dhibaato ah dareemayn.