Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

DEG-DEG: John Terry, Xiddigihii Talyaaniga Iyo Dunida Oo U Ducaynaysa Halyeygii Chelsea Ee Kansarku Ku Dhacay Oo Xaalad Halis Ah Ku Jira

by Abdiwahab Ahmed
December 20, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Hooyada dhashay halyeyga Chelsea ee Gianluca Vialli ayaa si degdeg ah uga soo duushay waddanka Talyaaniga, waxaanay soo gaadhay magaalada London kaddib markii ay kasii dartay xaaladda xiddigan hore ee Blues oo uu ku dhacay xanuunka halista ah ee kansarka.

ADVERTISEMENT

Vialli oo weerarka uga ciyaari jiray xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Chelsea ayaa usbuucyadii ugu dambeeyey yaallay cusbitaal lagula tacaalayay xaaladdiisa markii uu kusoo laba kacleeyey, jidhkiisana ku faafay kansar uu sannado ka hor ka ladnaaday.

58 jirkan ayaa sannadkii 2017 laga daaweeyey xanuunkan, waxaanay dhakhaatiirtu u sheegeen 2020 in uu taam ka noqday, taas oo keentay in uu tababare ku xigeen ka noqdo xulkii Talyaaniga ee ku guuleystay tartankii qaramada Yurub ee Euro 2020, balse mar kale ayuu xanuunku kusoo laabtay, waxaana uu iska casilay shaqadii xulka Talyaaniga isaga oo galay cusbitaal xaaladdiisa lagula tacaalayay.

Vialli

ADVERTISEMENT

Sida uu sheegay wargeyska Corriere Della Sera ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, xaaladda Vialli ayaa kasii daraysay maalmihii ugu dambeeyey, waxaanay taasi keentay in ay safar degdeg ah oo aan hore loosii qorshaynin ay Talyaaniga kaga soo baxaan Maria Teresa oo ah hooyaada dhashay Vialli oo ay da’deedu tahay 87 jir iyo walaalkii oo hadda kula sugan cusbitaalka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Hooyada dhashay Vialli ee Maria iyo walaalkii ayaa Isniintii shalay ka duulay magaalada London oo ku laabtay gurigooda oo ku yaalla Cremona oo u dhow magaalada Milan, hase yeeshee maanta ayay si degdeg ah ugu soo noqdeen Ingiriiska markii ay kasii dartay xaaladda Vialli.

Gianluca Vialli oo u ciyaari jiray Chelsea, Cremonese, Sampdoria iyo Juventus ayaa xulka Talyaaniga u saftay 59 ciyaarood.

Halyeygii Chelsea ee John Terry iyo xiddigihii xulka Talyaaniga ayaa farriimo ay ugu ducaynayaan Vialli kusoo qoray baraha bulshada markii uu soo baxay warka sheegaya in xaaladdiisu halis ku jirto.

ADVERTISEMENT
Share411Tweet257
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.