Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

DEG-DEG: Isku-daygii Afgambiga Ee Jarmalka Oo Lugaha Lasoo Galay Xiddig Ka Tirsan Real Madrid & Naxdinta Hadhaysay Kooxdaas

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Frank Heppner ayaa la sheegay in uu ka mid noqday 25 qof oo Arbacadii uu booliska waddanka Jarmalku xidhay, kaddib markii lagu eedeeyey in ay maleegayeen shirqool ay doonayeen inay ku afgembiyaan dawladda Jarmalka, isla markaana uu qorshahoodu ahaa inay meesha ka saaraan baarlamaanka iyo sidoo kale ra’iisal wasaaraha waddanka.

ADVERTISEMENT

Frank Heppner oo 62 jir ah, waxa xadhiggiisu uu saamayn ku yeeshay difaaca kooxda Real Madrid ee David Alaba, kaas oo hadda la murugaysan xadhiggan oo saamayn ku yeelanaya.

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Jarmalka, baadhitaano ay sameeyeen boolisku ayay ku ogaadeen in Frank Heppner  oo ka mid ah dadka caanka ah, horena u ahaa xubin sare oo milateriga qaybta loo yaqaano Reichsburger uu qayb ka yahay isku-dayga afgembiga ee lala maaganaa dawladda Jarmalka.

25ka qof ee la xidhay oo la sheegay in ay doonayeen in marka ay dawladda ridaan, in ay dalka dib ugu celiyaan boqortooyo iyo nidaamyadii hore ee kalitaliska, isla markaana kasoo horjeeda dimuquraadiyadda casriga ah, ayaa waxa xadhiga Frank Heppner uu lugaha lasoo galay David Alaba, sababtoo ah waxa uu soddog u yahay difaaca Real Madrid iyo xulka Australia

ADVERTISEMENT

David Alba ayaa waxa uu guursaday oo wiil u dhashay Shalimar Heppner oo uu dhalay Frank Heppner, waxaana uu wargeyska Daily Mail xaqiijiyey in David Alaba uu la xidhiidhay wakiilladiisa si uu arrintan faahfaahin dheeraad ah uga siiyo.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Si kastaba ha ahaatee, lama sheegin saamaynta ay arrintani ku yeelan karayso David Alaba oo sannad iyo badh ka hor ka guuray waddanka Jarmalka oo uu muddo dheer oo uu u ciyaarayay Bayern Munich ku noolaa, waxaana uu daafacani hadda deggan yahay magaalada Madrid oo uu u guuray markii uu u wareegay Real Madrid.

ADVERTISEMENT
Share672Tweet420
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.