Tababaraha xulka qaranka Cameroon ee Rigobert Song ayaa ka eryay xulka dalkaas goolhayaha khabiirka ah ee Andre Onana oo dheelay ciyaartii koowaad ee Koobka Adduunka, waxaase uu ka saaray liiska xulka dalkaas ee kulanka Serbia, sidoo kalena waxa la sheegayaa in aanu mar dambe u dheeli doonin Cameroon.
Andre Onana ayaa la sheegay inuu ku kacay falal anshax xumo ah isaga oo ku sugan garoonka tababarka, sidaas daraadeedna ay iskugu dhaceen tababare Song.
Xidhiidhka kubadda cagta Cameroon iyo sidoo kale tababare Song ayaanu midkoodna ka hadal falka uu sameeyey goolhaye Andre Onana ee sababta u noqday in ciqaabtan la marsiiyo oo laga saaro xulka aqaranka dalkaas, hase yeeshee liiska ciyaartoyda dalkaas ee kulanka Serbia ayaanu qayb ka noqon.
Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa sheegay, in Onana uu diiday inuu beddelo qaabka uu u ciyaarayo iyo sidoo kalen inuu raaco tilmaamaha tababarihiisa intaba, waxaanay taasi keentay in laga saaro xulka.
Rigobert Song ayaa booska Onana ku beddelay Devis Epassy oo kusoo bilowday ciyaarta Serbia, waxaana uu ka mid noqday labada beddel ee xulka Maroodiyada Afrika uu ku sameeyey shaxdii kulankii Switzerland ee guul-darrada soo hooyey, sidoo kalena Pierre Kunde ayaa beddelay Samuel Oum Gwet oo khadka dhexe ah.