Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa shaaciyey in uu waqti yar u baahan yahay si uu ugu dhawaaqo go’aanka mustaqbalkiisa kaddib markii uu xulkiisa England ka hadhay Koobka Adduunka oo wareeggii siddeedda uu ku garaacay Faransiisku.
England oo wax koob ah aan ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1966kii, ayaa waxay ku jireen waddamadii loo saadaalinayay sannadkan, laakiin waxay ku hadheen halkii looga bartay inay tartanka ku macasalaameeyaan oo ah wareegga siddeedda oo markii toddobaad lagu reebay.
Harry Kane ayaa rikoodhe ku barbarreeyey gool uu bilowgii ciyaara Faransiiska u dhaliyey Aurelien Tchouameni, waxaana uu rikoodhahaas ku barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta Harry Kane ee 53ka gool, laakiin Olivier Giroud ayaa madax ugu dhaliyey France goolka guusha dhamaadka ciyaarta oo 13 daqiiqadood ka hadhsan tahay.
Gareth Southgate ayaa la sheegay in uu iska casili doono oo uu ka tegi doono xulka qaranka England ee uu hoggaamiyey labadii Koob Adduun ee ugu dambeeyey, waxaana uu dabka kusii shiday wararkaas isaga oo xaqiijiyey in uu maalmo kaddib shacin doono go’aankiisa.
52 jirkan oo heshiiskiisu soconayo illaa sannadka 2024, ayaa yidhi: “Waxa aan u baahanahay waqti si aan u qaato go’aanka saxda ah. Hadda waxa aan ku jiraa waqti murugo iyo dareenno badan oo kala duwan.
“Waxay ila tahay in aan waqti qaato ka hor inta aanan gaadhin go’aankayga, sababtoo ah hadda waxa aan ku jiraa marxalad adag.”