Xulka qaranka Senegal ayaa lagu soo oogayaa dacwad kaddib markii ay u gudbeen wareegga 16ka Koobka Adduunka oo ay isku dhaceen Ingiriiska, waxaase kasoo horreynaysa baadhitaano ay FIFA ku samayn doonto xiddigaha reer Afrika ka hor inta aan la gaadhin kulanka England.
Senegal oo si weyn uu niyaddooda u wiiqay dhaawaca Sadio Mane ayaa waxay 2-1 ku garaaceen Ecuador Salaasadii, waxaanay kaalinta labaad kaga soo baxeen Group A.
Aliou Cisse ayaa waxa uu xulkiisu soo hooyey laba guulood oo is-xiga oo ay ka gaadheen Qatar iyo Ecuador, blse ciyaartoodii koowaad ee Koobka Adduunka ayay guul-darro 2-0 ah kal kulmeen Netherlands, taas oo keenaysa inay isku dhacaan England, halka Netherlands ay iyagana isku beegmeen Maraykanka.
Weeraryahanka kooxda Watford ee Ismaila Sarr ayaa dhaliyey goolka koowaad ee Senegal, waxaanu shabaqa ku hubsaday rikoodhe isaga oo qaatay masuuliyaddii Sadio Mane, balse Moises Caicedo oo khadka dhexe uga ciyaara Brighton ayaa Ecuador u dhaliyey goolka barbarraha, ka hor intii aanu difaaca Chelsea ee Kalidou Koulibaly saxeexin goolka guusha ee wareegga 16ka usoo saaray Senegal.
Axadda toddobaadka foodda inagu soo haya ayay England iyo Senegal ku dagaallami doonaan kulan aad loo sugayo oo ka dhici doona garoonka Al Bayt Stadium ee magaalada Al Khor, xidhiidhka kubadda cagta Afrika ayaa saaka shaaciyey in ay baadhitaan ku samaynayaan Senegal, suurtogalna ay tahay in la ganaaxo.
Senegal ayaa lagu eedeeyey in ay jabisay sharciga FIFA ee koobka Adduunka ka hor ciyaartii Ecuador, waxaanay kasoo xaadiri waayeen shirkii jaraa’id ee ay ahayd inay qabtaan maalin ka hor ciyaarta, kaas oo ay ahayd in kabtanka ama ciyaartoy kale iyo tababare Cisse ay qabtaan.
Ciyaartii Netherlands waxa saxaafadda la wada hadlay Cisse iyo garabka weerarka kooxda Monaco ee Krepin Diatta, halka ka hor kulankii Qatar uu kabtan Koulibaly soo garab fadhiistay tababaraha markii uu saxaafadda la hadlayay, hase yeeshee ciyaartii Ecuador ayaa uu Cisse iska reebay ciyaartoyda oo uu kaliya isagu saxaafadda la hadlay ku dhowaad muddo 40 daqiiqadood ah.
FIFA ayaa war-saxaafadeed ay mar dhoweyd soo saartay ku sheegtay in guddida Anshaxaha ee FIFA ay baadhitaan ku samaynayaan xulka qaranka Senegal oo ku eedaysan inay jabiyeen qodobak 44 ee sharciga FIFA ee Koobka Adduunka.