Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaacisay in la ballaadhinayo Koobka Adduunka naadiyada dunida oo laga dhigi doono 32 kooxood, si la mid ah Koobka Adduunka ee xulalka, kaas oo loo qaabaynayo si ka duwan nidaamkii hore looga bartay tartanka.
Isbeddello badan ayay FIFA ku samayn doontaa Koobka Adduunka naadiyada, waxaana lagu soo kordhin doonaa 25 kooxood oo kale halka ay hadda kaliya ka qayb-galaan toddoba kooxood.
Madaxweynaha FIFA ee Gianni Infantino oo maanta la haadlayay saxaafadda ayaa daboolka ka qaaday in isbeddelka Koobka Adduunka naadiyada la hirgelin doono sannadka 2025, laga guuri doono qaabkii hore ay u iman jireen kooxaha ka qayb-gelaya oo ahaan jiray naadiyada kusoo guuleysta Koobabka qaaradahooda, sida Champions League, Copa Libertadores, African Champions League iyo Asia Champions League.
Koobka Adduunka naadiyada oo ay sannadkan horraantiisii ay ku guuleystay Chelsea oo bishii February finalka ku garaacday kooxda reer Brazil ee Palmeiras oo kusoo guuleystay Libertadores ayaa waxa la filayaa in sannadkan ay beddesho Real Madrid oo ah kooxda uga qayb-gelaysa Yurub ee ku guuleysatay Champions League oo bishii Liverpool ku garaacday finalkii bishii May ee Paris.
Sannadkii 2000 ayaa la sameeyey Koobka Adduunka naadiyada, waxaana kooxda ugu guulaha badan ay tahay Real Madrid oo afar jeer ku guuleysatay, waxaana ku xigta Barcelona oo saddex jeer qaadday. Labada kooxood ee Corinthians oo ka dhisan Brazil iyo Bayern Munich oo Jarmal ah ayaa iyaguna min laba jeer ku guuleystay.
Saddex kooxood oo Ingiriis ah ayaa iyaguna qaaday Koobka Naadiyada Dunida, waana Manchester United oo sannadkii 2008 ku guuleysatay, Liverpool oo 2019 qaadday iyo Chelsea oo sannadkan 2022 noqotay nadiga saddexaad ee Ingiriis ah ee koobkan ku guuleysta.