Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa go’aan ka gaadhay garsooraha reer Brazil ee Wilton Sampaio ee ay sida weyn u dhalleecaynayaan Ingiriiska oo ku eedeeyey inuu qayb ka qaatay guul-darradii xulkooda ee kulankii France ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka.
Halyeeyadii hore ee England, ciyaartoydii kulankaas dheelaysay iyo warbaahinta Ingiriiskuba waxay Wilton Sampaio u jeediyeen eedaymo iyaga oo ku dooday inuu qaatay go’aamo lid ku ahaa xulkooda, waxaanay tusaale usoo qaadanayeen rikoodhe laga diiday Harry Kane iyo inuu ogolaaday in goolkii koowaad ee Faransiisku uu ansaxo iyadoo qalad lagu galay Bukayo Saka.
FIFA oo hore u shaacisay in uu dalkiisa ku laabanayo oo garsoorahaasha semi-finalka iyo finalka laga saaray garsooraha reer Spain ee Mateu Lahoz oo 16 kaadh bixiyey ciyaartii Argentina iyo Holland, ayaa waxay sheegtay, in Wilton Sampaio uu sii joogayo Qatar oo uu qayb ka noqon karayo kulamada semi-finalka iyo Finalka.
Garsooraha horyaalka Premier League ee Anthony Taylor ayaa sidoo kale kasii mid ahaanaya garsooreyaasha sii joogay Qatar.
36 garsoore oo FIFA ay keentay Koobka Adduunka, ayaa waxa la fasaxay 24 ka mid ah oo uu ku jiro Mateu Lahoz oo dib ugu laabtay dalalkooda, waxaana lasoo reebay 12 garsoore oo kale oo kulamada afarta ah ee hadhay qaban doona.
Laba kulan oo semi-finalka, ciyaar kaalinta saddexaad loogu dagaallami doono iyo finalka ayay FIFA u kala xulan doontaa 12kan garsoore oo uu ku jiro Wilton Sampaio oo inkasta oo cabasho badan ay Ingiriisku ka muujiyeen kusii negaanaya Qatar.
Anthony Taylor oo dhaxdhaxaadinayay kulamadii Croatia vs Belgium ee goolal la’aanta ahayd iyo South Korea Ghana oo ay xiddigaha reer Ghana 3-2 ku adkaadeen ayaa isaga iyo gacan-yareyaashiishii Gary Beswich iyo Adam Nunn ay ka mid noqdeen garsooreyaasha sii joogaya Qatar.
FIFA ayaa waxay liiska ka saaray saddexda gabdhood ee taariikhda dambeeyey ee Stephanie Frappart oo Faransiis ah, Slima Mukansanga oo Rwanda u dhalatay iyo Yashimi Yamashita oo reer Japan ah, waxaanay ka mid noqdeen 24ka garsoore ee dalalkooda ku laabanaya.