Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxday Heshiiska Arsenal La Gaadhay Leandro Trossard

by Abdiwahab Ahmed
January 19, 2023
0
Breaking News

Arsenal ayaa tallaabo kale u qaadday dhamaystirka heshiiska xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard oo ay kala soo wareegayso Brighton, kaas oo sidii aanu wararkayagii hore idiinku soo gudbinay ay Gunners heshiiskiisa shaqsiga ah waqti hore dhamaystirtay.

ADVERTISEMENT

Gunners ayaa waxay dedaal badan ku bixinaysay sidii ay qiimaha laacibkan ugala heshiin lahayd Brighton & Hove Albion, waxaanay ugu dambayntii isla meel-dhigeen in ay Arsenal bixiso £21 milyan oo Gini oo kaash ah iyo lacago kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa ciyaareed oo wadarta guud ka dhigi doona £27 milyan oo Gini.

Leandro Trossard ayaa saxeexi doona heshiis soconaya illaa xagaaga sannadka 2027 kaas oo sidoo kalena Arsenal siinaya sannad kale oo dookh ah oo ay ku kordhin karto qandaraaska laacibkan.

28 jirkan ayaa Emirates Stadium iman doona ka hor maalinta Axadda ee ay Manchester United kusoo dhoweynayaan garoonkan, waxaanu sidaas ku noqon doonaa saxeexii ugu horreeyey ee ay Arsenal samayso suuqa bishan January.

ADVERTISEMENT

Tababare Mikel Arteta ayaa ugu dambayntii faraxsan kaddib laba saxeex oo ay Chelsea ka hor qaadday oo ahaa Joao Felix iyo Mykhailo Mudryk.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Leandro Trossard ayaa kusoo shaac-baxay kooxda reer Belgium ee Genk ka hor intii aanu usoo wareegin Brighton oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey, isaga oo xilli-ciyaareedkan socda u saftay 16 kulan oo Premier League ah oo uu u dhaliyey toddoba gool iyo saddex kale oo uu caawiye ka noqday.

ADVERTISEMENT
Share511Tweet319
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.