Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay inay si buuxda ula wareegtay saxeexii koowaad ee ay sameeyaan suuqa iibka ciyaartoyda ee January, waxaanay dhamaystireen goolhaye Jack Butland oo heshiis amaah lix bilood ah ay kagala soo wareegeen Crystal Palace.
Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaciyey in Jack Butland ay la saxeexdeen oo uu noqday ciyaartoygii koowaad ee Old Trafford yimaadda suuqan January, isaga oo u beddeli doona Martin Dubravka oo ay Newcastle dib ugu yeedhatay.
Tijaabada caafimaadka ayuu Butland ka gudbay maanta gellinkii hore, waxaana uu qalinka ku duugayaa heshiis amaah ah oo lix bilood soconaya oo uu kaaliye ugu noqon doono David de Gea.
Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay ayaa ku tilmaamay Butland inuu yahay goolhaye khibrad badan oo ay u baahdeen markii uu ka tegay Dubravka, waxaanu yidhi: “Waxa aanu u baahnahay saddex goolhaye oo khibrad leh. Waxa aanu haysanaa kuwo da’doodu yar tahay oo si fiican u shaqaynaya, laakiin maadaama kulamada aanu ciyaarayno badan yihiin, waxa aanu tababarka uga baahanahay saddex goolhaye oo khibrad leh.
“Runtii aad baan ugu faraxsanahay David, wayna iska caddahay in uu isagu yahay goolhayahayaga koowaad, si fiicanna uu u shaqaynayo laakiin mar walba waxbaa ku dhici karaya David, sidaa darteedna waa in aanu diyaar ahaano.”
Tababaraha Manchester United oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Snanadkii hore xaalad ayaa igu qabsaday Ajax. Saddexdii goolhaye ee aanu haysanayba way naga dhaawacmeen, waxaananu ciyaarsiinay goolhayaha da’yarta, taasina way dili kartaa xilli ciyaareedkaaga. Sidaa daraadeed, waa in aad u diyaarsanaato.”
Mar wax laga weydiiyey Butland waxa uu ku jawaabay: “Newcastle ayaa dib ugu yeedhatay Dubravka, sidaa daraadeed ayaanu ugu baahanahay Jack, waana goolhaye khibrad badan oo aan ku faraxsanahay.”