Xidhiidhka kubadda cagta FIFA ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen in ay baadhitaanno ku samaynayaan xulka qaranka Argentina oo lagu eedeeyey inay sameeyeen dhaqan-xumo finalkii Koobka Adduunka, kuwaas oo hadda waajihi doona ciqaab ay FIFA kusoo rogi doonto.
FIFA ayaa waxay sheegtay, in ay furtay kiis ka dhan ah xulka Argentina ee ay ka amid ahaayeen Lionel Messi, Emiliano Martinez iyo ciyaartoyda kale.
War-saxaafadeedka FIFA ayaa lagu sheegay, in ay ciyaartoyda reer Argentina jabiyeen sharciga FIFA ee hab-dhaqanka suubban, waxaana kiiskooda gacanta ku haya guddida anshaxa, waxaana war-saxaafadeedka lagu yidhi: “Guddida Anshaxa ee FIFA waxay fureen baadhitaanno ka dhan ah xidhiidhka kubadda cagta Argentina oo jabiyey qodobada 11, 12 iyo 44 ee sharciga FIFA intii uu socday koobkii adduunka ee FIFA gar ahaan ciyaartii finalka ee Faransiiska.”
Qodobka 11 ayaa waxa uu dhigayaa illaalinta anshaxa, hab-dhaqanka suubban iyo anshax wanaagga, halka qodobka 12aadna uu qeexayo in ciyaartoyda iyo tababareyaashu ay u dhaqmeen si aan habboonayn.
Ciyaartoyga wadnaha farta ku haya ee la filayo inuu la kulmi doono ciqaabta ayaa ah Emiliano Martinez oo markii la guddoonsiiyey abaal-marinta goolhayihii ugu fiicnaa tartanka sameeyey ficil dhaqan-xumo ah, sidoo kalena ku maadsaday Kylian Mbappe markii ay tageen Boenos Aires oo uu fagaareyaasha la yimid boombalo lagu lagu dhejiyey sawirka Kylian Mbappe, taas oo keentay in Faransiisku uu dacwad u gudbiyo FIFA.
Argentina ayaa hore loogu ganaaxay inay hab=dhaqankooda ciyaartii Mexico, waxaana lagu xukumay inay bixiyaan £88,000 Gini, balse sidoo kale waxa la ganaaxay Serbia iyo Ecuador oo lagu xukumay £44,000 iyo £18,000 Gini.