Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Eden Hazard Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

by Abdiwahab Ahmed
December 7, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Xiddiga reerr Belgium ee Eden Hazard ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah iyadoo ay da’diisu tahay 31 jir, kaddib markii uu dalkiisu wareeggii koowaad ee group-yada kaga hadhay Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Hazard oo 126 ciyaarood u saftay xulka qarankiisa una dhaliyey 33 gool, ayaa waxa uu shaaciyey in uu soo gabogabeeyey u ciyaarista xulka Belgium oo bandhiggiisii ugu fiicnaa uu ka sameeyey Koobkii Adduunka 2018 ee ay yimaaddeen semi-finalka.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram ayaa uu Eden Hazard ku shaaciyey go’aankiisa ah inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah oo uu kusoo jiray muddo 12 sannadood ah, waxaana qoraalka uu ku yidhi: “Boggaasi maanta ayuu isbeddelay… Waad ku maahdsan tihiin jacaylkiisa. Waad ku mahadsan tihiin taageeradiina, waad ku mahadsan tihiin farxaddii aynu wadaagnay tan iyo sannadkii 2008.

Hazard 2

ADVERTISEMENT

“Waxa aan go’aansaday in aan soo gabogabeeyo ciyaarahayga caalamiga ah. Beddelku waa diyar… Waan idiin xiisi doonaa.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Xulka qaranka Belgium oo wareeggii koowaad ee group-yada uu ku reebay xulka Croatia ayaa waxa la filayaa in xiddigo waaweyn oo kale ay iyaguna shaacin doonaan inay ka fadhiisteen, waxaana farta lagu fiiqayaa Toby Alderweireld oo 33 jir  ah iyo Jan Vertonghen oo 35 jir ah.

Hazard ayaa kulankiisii koowaad  ee xulka Belgium u saftay November 2008 iyadoo ay waqtigaas da’diisu ahayd 17 jir, waxaana uu qayb ka ahaa Koobkii Adduunka, waxaana uu sidoo kale qayb muhiim ah ka ahaa jiilkii dahhabiga ahaa ee Belgium usoo baxay ee tegay Koobkii Adduunka 2014, sidoo kalena wacdaraha ka dhigay 2018, iyaga oo muddo dhawr sannadood ah ahaa dalka kaalinta koowaad kaga jira qiimaynta FIFA.

Eden Hazard ayaa  loo doortay xiddiga ugu wanagsan Belgium sannadihii 2017, 2018 iyo 2019.

ADVERTISEMENT
Share270Tweet169
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.