Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Didier Deschamps Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaadhay Beddelka Karim Benzema

by Abdiwahab Ahmed
November 20, 2022
0
DEG-DEG: Boqortooyada Sucuudiga Oo Iibsatay Newcastle, Lacagta Ay Ka Bixiyeen Iyo Premier League Oo Awood Cusub Kusoo Korodhay

Tababaraha xulka qaranka France ayaa go’aan adag oo lama filaan ah ka qaatay beddelka xiddiga ka dhaawacmay ee Karim Benzema oo xalay si rasmi ah loo xaqiijiyey inuu seegayo Koobka Adduunka, kaddib uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa isaga oo tababarka la samaynaya ciyaartoyda xulkiisa.

ADVERTISEMENT

34 jirkan ayaa uu dhaawacu soo gaadhay isaga oo kasoo kabtay dhaawac hore oo jilibka iyo muruqa ah, waxaana la sheegay inuu muddo saddex toddobaad ah garoomada ka maqnaan doono.

Dhaawaca Benzema ayaa hoos u dhigaya awoodda xulka qaranka difaacanaya Koobka Adduunka ee France, iyadoo horena ay u waayeen xiddigo waaweyn sida Christopher Nkunku, N’Golo Kante iyo Paul Pogba.

Didier Deschamps ayaa maanta gellinkii hore la sheegay inuu saddex ciyaartoy u kala dooranayo beddelka Karim Benzema, waxaana ciyaartoyda la hadal hayay ku jiray weeraryahanka Manchester United ee  Anthony Martial, hase yeeshee Didier Deschamps ayaa qaatay go’aan culus oo ah in aanu beddelin Karim Benzema oo uu booskiisu iska bannaanaado.

ADVERTISEMENT

Saxaafadda Faransiiska ayaa kasoo xigatay Didier Deschamps in uu ku adkaysanayo 25ka ciyaartoy ee hadda taamka u ah oo aanu ciyaartoy cusub kusoo kordhin doonin, taas oo ka dhigan in booska Benzema banneeyey uu iska bannaanaan doono.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

“Ma beddelayo, aniga ayaana go’aamiyey in aanan ciyaartoy cusub u yeedhin.” Ayuu yidhi Didier Deschamps oo kusii daray: “Waxa aanu haysanaa siddeed weeraryahan, sida Mbappe, Griezmann, Coman, Ousmane Dembele, Giroud, M Thuram, Kolo Muani.”

Go’aanka tababare Didier Deschamps ayaa waxa uu niyad-jab ku yahay ciyaartoyda hungurigu ka hayay in midkood loo yeedhi doono, sida Martin Terrier, Moussa Dembélé, Wissam Ben Yedder, Anthony Martial iyo Alexandre Lacazette.

ADVERTISEMENT
Share516Tweet322
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.