Kevin Davies oo u dhashay Wales ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday magaalada Doxa ee waddanka Qatar, halkaas oo uu u safray Jimcihii iyadoo uu wehelinayo wiil uu dhalay si ay u daawadaan ciyaartii xulka qarankooda guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Iran ku garaacday 2-0.
Qatar ayaa maanta ay saxaafadda reer galbeedku si aad ah indhaha ugu hayaan dab gellinkii hore ka kacay magaalada Lusail, waxaana hadda la xaqiijiyey inuu geeriyooday Kevin Davies oo ay da’diisu ahayd 62 jir.
Kevin Davies oo ay da’diisu ahayd 62 jir ayaa geeriyooday Jimcihii, waxaana la sheegay in dhimashadiisu ku timid si dabiici ah oo aanay jirin cid waxyeello gaadhsiisay.
Safaaradda Wales ee Doxa ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay, inuu geeriyooday mid ka mid ah taageereyaashooda Qatar u tegay daawashada Koobka Adduunka, waxaanay tacsi u direen qoyskiisa iyo wiil uu dhalay oo ay isku soo raaceen safarka ay ku tageen Qatar.
Faahfaahin badan oo dheereaad ah ma aanay bixin safaaraddu, hase yeeshee waxay sheegtay in 2,500 taageereyaal reer Wales ah ay ku sugan yihiin Qatar oo ay usoo daawasho tageen Koobka Adduunka.
Xidhiidhka kubadda cagta Wales ayaa isaguna qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyey geerida ku timid Kevin Davies, waxaana Noel Mooney oo ah madaxa xidhiidhka kubadda cagta Wales uu qoraal ku yidhi: “Aad ayaan uga murugaysanahay in aan maqlo geerida ku timid mid ka mid ah taageereyaashayada. Waxa aanu tacsi u diraynaa qoyska, waxaananu siinaynaa wax kasta oo taageero ah.”
Saxaafadda ayaa sheegaysa in Kevin Davies aanu daawanin ciyaartii Wales iyo Iran ee shalay ee kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Iran, taas oo kaadh casaan ah la siiyey goolhaye Wayne Hennessey oo qalad xun sameeyey.