Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: Dhaawacii Karim Benzema Oo Been Ahaa Iyo Dagaalkii Dhax Maray Didier Deschamps Ee Sababay In Laga Caydhiyo Xulka Faransiiska

by Abdiwahab Ahmed
December 16, 2022
0
DEG-DEG: Dhaawacii Karim Benzema Oo Been Ahaa Iyo Dagaalkii Dhax Maray Didier Deschamps Ee Sababay In Laga Caydhiyo Xulka Faransiiska

Xogo cusub ayaaa kasoo korodhay sababta uu Karim Benzema uga maqan yahay xulka qaranka Faransiiska ee Koobka Adduunka, waxaana laga been sheegay dhaawaciisa markii ay isku dhaceen tababare Didier Deschamps oo ay isku maandhaafeen garoonka tababarka.

ADVERTISEMENT

Benzema ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaadhay November 19 oo ahayd maalin ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunka, waxaana uu sidaas kaga tegay xulka qaranka. Laacibkan ayaa dib ugu soo laabtay garoomada oo shalay ciyaaray kulan saaxiibtinimo oo u dhexeeyey Real Madrid iyo Leganese.

Sida ay muujinayso xog uu helay oo uu maanta daabacay wargeyska Libertad Digital, Karim Benzema ayaa tababare Didier Deschamps ugu sheegay garoonka tababarka in aanu ku faraxsanayn sida uu ula dhaqmayo, kaddib markii uu laacibkan soo gaadhay tababar fudud.

Xogta ayaa sheegtay in Benzema uu kaliya u baahnaa in saddex maalmood daaweyn loo sameeyo, isla markaana uu ciyaari kari lahaa kulankii labaad ee wareegga group-yada, laakiin uu Deschamps oo ka cadhooday hadalka Benzema ee ah in aanu ku faraxsanayn sida uu ula dhaqmayo ay sababtay in Deschamps uu ku amro inuu ka dhax baxo ciyaartoydiisa, sidaana uu kaga caydhiyey xulka Faransiiska.

ADVERTISEMENT

Deschamps ayaa iska diiday inuu ka  jawaabo su’aal la weydiiyey oo ahayd inuu Benzema u yeedhayo ciyaarta finalka Koobka Adduunka ee Axadda ay Argentina iskaga hor imanayaan, waxaanay hadda xogtan cusub ee la helay sheegaysaa in Benzema ay uga dhamaatay xulka Faransiiska oo aanu ciyaari doonin inta uu Didier Deschamps tababaraha ka yahay.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Karim Benzema ayaa isaguna aan dhinaciisa doonayn inuu dib ugu laabto waddanka Qatar, mana doonayo inuu mar dambe la kulmo tababare Didier Deschamps, inkasta oo uu ku jiro liiska xulka dalkaas ee wali qaybta ka ah Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT
Share576Tweet360
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.