Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Croatia Oo Rikoodheyaal Ku Garaacday Brazil, Taariikhihii Qormay & Murugadii Xiddigaha Brazil Ee Oohinta Ceshan Waayey

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
Croatia Oo Rikoodheyaal Ku Garaacday Brazil, Taariikhihii Qormay & Murugadii Xiddigaha Brazil Ee Oohinta Ceshan Waayey

Xulka qaranka Croatia ayaa usoo baxay wareegga semi-finalka Koobka Adduunka kaddib markii ay rikoodheyaal 4-2 ah ku garaaceen Brazil, kulan la isku rafaaday oo waqtigii dheerraadka ahaa laba gool la iskugu jawaabay.

ADVERTISEMENT

Croatia ayaa qaan-gaadhnimo ciyaareed soo bandhigtay, sidoo kalena gadaal ka dagaallantay si ay uga daba timaaddo Brazil oo qaybta hore ee waqtigii dheeraadka ahaa uu gool u dhaliyey Neymar, kaas oo uu ka daba yimid Petkovic oo daqiiqaddii 117aad goolka barbarraha u dhaliyey.

lcimg 28ab12bd e85b 4986 90f1 3c89356e0a5d

Rikoodheyaal loo dhigay ayaa waxa wacdaro ka dhigay goolhayaha Croatia oo Livakovic oo qabtay rikoodhihii ugu horreeyey ee Brazil oo uu laagtay da’yarka Real Madrid ee Rodrygo Goes. Waxa kale oo rikoodhihiisa birta ka  jaray oo kubadda khasaariyey Marquinhos, halka afar ciyaartoy oo Croatia u tuuray rikoodheyaashu ay dhamaantood dhaliyeen.

ADVERTISEMENT

lcimg c2ce9064 0b0e 42ad 8be7 cf88388c0c5d

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Brazil oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay waqti horeba ku go’aansan karaysay guusha, waxaana laf dhuun-gashay ku noqday goolhaye Livakovic oo ahaa xiddiga garoonka ee goolkiisa uga dhaartay weeraryahannada Brazil.

lcimg 31290042 efeb 4b06 9d0d 36773fb405f5

Taariikh cajiib ah ayaa lasii diiwaangeliyey ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin, waxaanay noqotay ciyaartii koowaad ee tan iyo sannadkii 1958kii ay labada ciyaartoy ee ugu da’da weyni kasoo muuqdaan. Thiago Silva oo 38 jir ah iyo Luka Modric oo 37 jir ah ayaa kusoo wada bilowday, waxaanay jabiyeen rikoodhkii da’da ee  semi-finalkii Koobka Adduunka 1958kii ee Fritz Walter oo ahaa 37 jir u ciyaarayay Jarmalka iyo Gunnar Gren oo ahaa 37 jir u dheelayay Sweden.

Juranovic ayaa sameeyey weerarkii ugu horreeyey ee labada xul ee halista ahaa, waxaana kubbad uu ku burburiyey difaaca Brazil uu u dhiibay Pasalic oo dhinaca midig joogay, kaas oo isaguna uu isku dayay inuu ku leexiyo goolka oo lix yard u jiray balse lugta ayuu la waayey. Perisic oo tallaabooyin ka dambeeyey ayay kubaddu u tagtay oo isaguna lugta midig ku qabtay, balse waxa nasiib-darro uu la waayey lugta sidii saaxiibkiisii hore.

ADVERTISEMENT

Vinicius Junior ayaa kubbad isku-taabasho ah la ciyaaray Richarlison, waxaana uu toogtay goolka balse waxa kubadda soo celiyey Gvardiol.

 

Daqiiqaddii xigtay ayuu Nemar xerada ganaaxa la galay kubbad uu kala  dhax baxay dhawr difaac, waxaase uu ku beegay goolhaye Livakovic oo isaga oo aan is-dhibin si fudud u qabsaday.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aanay labada xul midkoodna khatar badan gelin goolka kasoo horjeeda, waxaase fursado badnayd Brazil ee Vinicius Junior iyo Neymar Jr uu goolhayuhu ka badbaadiyey fursado.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad waxa si aad ah awooddeedu u korodhay Brazil oo samaysay fursado badan oo aanay midkoodna ka faa’iidaynin.

Neymar ayaaa kubbad uu ka helay Richarlison waxa uu ula tegay goolhaye Livakovic oo isku dayay inuu lugta  bidix ku dhaafiyo, balse goolhayaha reer Croatia ayaa si cajiib ah lugta ugu dhigay oo badbaadiyey.

Mar kale ayuu Livakovic kubbad halis ahayd ka qabtay Vinicius Junior, ka hor intii aanu Paqueta goolka hortiisa la tegin kubbad aanay cidina cidhiidhi ku haynin oo kaliya u baahnayd inuu goolhayaha dhafiyo, balse Livakovic ayaa ahaa halyey aan shabaqiisa dhayal lagu gaadhi karayn oo mar  kale badbaadiyey.

Waqti dheeraad ah ayaa lagu daray ciyaarta, waxaanay fursad cajiib ahi soo martay Croatia oo kubbad uu Petkovic kala soo galay dhinaca bidix uu ku burburiyey saddex difaac oo reer Brazil ah, waxaanu u dhiibay Brozovic oo darbaad xooggan ku toogtay, balse dul-mariyey birta.

Neymars goal vs Croatia

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! Neymar ayaa daqiiqaddii 105aad jabiyey difaacii birta ahaa iyo goolhayihii la mari la’aa ee Croatia. Kubbad uu khadka dhexe kasoo shaqaystay ayuu u dhiibtay Pqueta oo isaguna usii dhigay laynka garoonka, waxaanu kala dhax baxay dhawr difaacyahan ka ahor intii aanu la dhaafin goolhaye Livakovic ee aanu shabaqa ku hubsan.

lcimg 84554b6f b111 4ad4 a8e4 7b2f3a614719

TAARIIKH!!!! Neymar ayaa goolkan ku barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta Pele ee xulka Brazil, waxaanay labaduba hadda leeyihiin min 77 gool. Taariikh ayuu sameeyey Neymar.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Croatia 1-1 Brazil. Petkovic ayaa dhamaadka ciyaarta oo saddex daqiiqadood ka hadhsan tahay u dhaliyey Croatia goolka barbarraha, isaga oo kubbad uu ku toogtay goolka ay kusii dhacday Marquinhos oo ka leexiyey jihadii ay kubaddu ku socotay ee uu goolhaye Alisson isku tuuray.

lcimg 28ab12bd e85b 4986 90f1 3c89356e0a5d

Rikoodheyaal ayaa loo dhigay labada xul, waxaana 4-2 ku badisay Croatia oo semi-finalka ku sugaysa Argentina iyo Holland midkooda soo baxa.

Share322Tweet201
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.