Cristiano Ronaldo ayaa loo dhaadhiciyay kursiga keydka kulanka wareega sideed dhamaadka ee ay caawa la ciyaarayaan xulka Siwtzerland.
37 jirkaan ayaa waqti xun ku qaadanaya ilaa iyo haatan Koobka Adduunka isagoo dhaliyay jaliya rigoore kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Ghana.
Ka dib wuxuu isku dayay inuu sheegto goolkii furitaanka ee Bruno Fernandes ee kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Uruguay.
Kulankii ugu danbeeyay Portugal ee wareega guruubyada Ronaldo wuxuu qeyb ku lahaa goolkii barbaraha ee South Korea.
Markii la bedelay bilowgii qeybta labaad xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa ka carooday bedelka isagoo si xun u dhaqmay.
Tababaraha xulka Portugal Fernando Santos ayaana ka carooday hab dhaqanka xun ee Cristiano Ronaldo isagoo xitaa ku weeraray shirkiisii jaraa’id.
Tababaraha 68 sanno jir ah ayaa haatan ku ciqaabay Ronaldo habdhaqankiisa isagoo u dhaadhiciyay kursiga keydka kulanka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Switzerland.
Wuxuu bedelkiisa ku soo bilaabay xiddiga Benfica Gancalo Ramos.
Ronaldo oo 819 gool dhaliyay waayihiisa ciyaareed ayaa bilaa koox ah waxaana la filayaa inu shaaciyo kooxda uu ku biirayo ka dib Koobka Adduunka.
SHAXDA RASMIGA AH EE PORTUGAL VS SWITZERLAND:
Portugal: Costa, Dalot, Pepe, Dias, Guerreiro, Otavio, William Carvalho, Bernardo Silva, Bruno Fernandes, Goncalo Ramos, Joao Felix.
Keyd: Patricio, Palhinha, Ronaldo, Andre Silva, Sa, Leao, Vitinha, Mario, Neves, Cancelo, Horta, Luiz, Antonio Silva.
Switzerland: Sommer, Fernandes, Schar, Akanji, Rodriguez, Freuler, Xhaka, Shaqiri, Sow, Vargas, Embolo.
Keyd: Elvedi, Zakaria, Seferovic, Steffen, Omlin, Aebischer, Fassnacht, Comert, Okafor, Frei, Kobel, Kohn, Rieder, Jashari.