Xidhiidhka kubadda cagta Portugal ayaa war-saxaafadeed degdeg ah kasoo saaray wararka sheegaya in xiddigooda Cristiano Ronaldo uu iskaga tegay xulka qaranka dalkaas ee ku sugan Qatar ee isku diyaarinaya kulanka Morocco ee wareegga siddeedda, kaddib markii uu shalay diiday inuu tababarka la qaato ciyaartoyda.
Warar maanta gellinkii hore soo baxay ayaa sheegay, in Ronaldo uu iskaga tegay xulka oo aanu dib ugu soo noqonayn markii ay isku dhaceen tababare Fernando Santos oo fadhiisiyey kulankii Switzerland.
Wargeyska Record ee kasoo baxa Portugal ayaa mar dhoweyd sheegay, in Ronaldo uu shandaddiisa ka xidh-xidhay waddanka Qatar oo uu u duulayo magaalada Lisbon, iisla markaana aanu ciyaari doonin kulamada ka hadhay Koobka Adduunka.
Warka ayaa intaa ku daray, in tababare Santos iyo Ronaldo uu xidhiidhkoodu xumaaday oo ay isku dhaceen, markii uu laacibkani falcelin aan fiicnayn sameeyey ciyaartii South Korea ee la beddelay. Sidoo kale, tababaraha Portugal ayaa la sheegay inuu ka fikirayo inuu kabtannimada ka xayuubiyo Ronaldo.
Ronaldo ayaa la sheegay in uu go’aankan gaadhay markii uu helay war sheegaya in kaydka la dhigi doono ciyaarta Morocco ee Sabtida, hase yeeshee xidhiidhka kubadda cagta Portugal ayaa war-saxaafadeed degdeg ah oo ay hadda soo saareen waxay ku sheegeen in warkani been yahay oo aanu Ronaldo iskaga tegin xulka.
War-saxaafadeed kooban oo xidhiidhka kubadda cagta Portugal ee magaciisa loosoo gaabiyo FPF uu soo saaray ayaa lagu yidhi: “Wararka sheegaya in Ronaldo uu ku hanjabay inuu iskaga tegayo cioyaartoyda xulka qaranka kaddib markii ay wada-hadleen tababare Fernando Santos run ma aha – FPF waxa uu caddaynayaa in aan la joogin waqtigii uu Cristiano ku hanjabi lahaa inuu ka tegayo xulka qaranka ee ku sugan Qatar.”