Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay heshiiska ay kula soo wareegayso weeraryahanka dilaaga ah ee reer Ivory Coast ee uu tababare Graham Potter ku xoojinayo safkiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.
Chelsea oo ku jirta kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League ayaa waxay si degdeg ah u gashay suuqa iibka ciyaartoyda kaddib markii la xaqiijiyey in Broja uu ka maqnaan doono garoomada inta ka hadhay xilli ciyaareedka iyadoo lagu sameeyey qalliin jilibka ah oo uu u jiifayo illaa laga gaadhayo xilli ciyaareedka dambe.
Graham Potter oo ay muuqato in aanu kalsooni badan ku qabin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa waxa uu gacanta ku dhigay weeraryahanka reer Ivory Coast ee David Datro Fofana oo hadda ay Blues si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhamaystireen heshiiskiisa.
David Datro Fofana ayay Chelsea €12 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda reer Norway ee Molde, waxaana Blues ay qandaraaskiisa ku dhawaaqday kaddib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaada.
Wakiilka Fofana oo lagu magacaabo Atta Aneke ayaa isaguna xaqiijiyey in wax walba la dhamaystiray oo uu Fofana yahay ciyaartoy ka tirsan Chelsea.