Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa daafaca Benoit Badiashile kaasoo u saxiixay qandaraas todoba sannadood iyo bar ah.
Daafaca ayaa ka soo wareegay kooxda Monaco iyagoo Chelsea ay ku soo iibsatay adduun lacageed oo gaaraya 35 milyan ginni.
Badiashile markii uu qalinka ku duugay hishiiska waxa uu u sheegay website-ka Chelsea: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imid Chelsea.
“Waan ku faraxsanahay inaan u ciyaaro kooxdaan. Ma sugi karo inaan arko taageerayaasha iyo inaan ka ciyaaro horyaalka ugu fiican dunida.”
Milkiilaha kooxda Todd Boehly ayaa isna yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan Benoit ku soo dhaweyno Chelsea.
“Waa ciyaaryahan da’ yar oo aad u fiican kaasoo si dhaqso ah sumcad weyn ku sameystay, waxaana uu leeyahay khibrad badan inkastoo uu yar yahay.
“Waan hubnaa inuu door muhiim ah ka qaadan doono kooxdeena sannadaha soo socda.”
Badiashile oo 21 sanno jir ah wuxuu ka soo baxay akadeemiga kooxda Monaco.
Waxa uu u saftay labo jeer xulka qaranka Faransiiska isagoo sidoo kale kabtan u ah xulka France ee ay da’dooda ka hooseyso 21 jirada.
Xilli ciyaareedkan wuxuu wacdarro u dhigay Monaco isagoo soo gaarsiiyay wareega 16ka ee Europa League halka horyaalka Faransiiska ay kaalinta shanaad kaga jiraan.
Badiashile wuxuu saftay 16 kulan xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay labo gool.