Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waxay markan ka nixisaysaa Liverpool oo ay isku dayayso inay ka hor qaaddo xiddig uu doonayay tababare Jurgen Klopp oo uu u arkayay inuu ku xallin karayo mushkiladda khadka dhexe ee sababtay inay kaalinta sagaalaad kaga jiraan miiska kala-sarraynta.
Liverpool ayaa waxay doonaysaa inay la saxeexato laacibka khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Portugal iyo Wolves ee Matheus Nunes, hase yeeshee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay isku-diyaarisay inay uga hormarto oo ay saxeexiisa afduubato.
Chelsea ayaa waxay suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January ka inkaarsatay Arsenal oo ay ka hor qaadday labada ciyaartoy ee Joao Felix iyo Mykhailo Mudryk oo iyaga oo laga sugayay Emirates Stadium ka degay Stamford Bridge horraantii bishan.
Sidaas oo kale ayay Blues mar kale doonaysaa inay samayso, waxaanay bilowday hawlgal ay Liverpool kaga inkarsanayso oo ay ku garaacayso Nunes oo uu tababare Jurgen Klopp diyaarinayo dalab uu maalmaha ugu dambeeya suuqa January ka gudbinayo, iyadoo haddii ay waayaan haddana ay mar kale isku dayi doonaan xagaaga.
24 jirkan oo bishii August ay Wolves £38 milyan oo Gini kusoo iibsatay, ayaa isaga oo dhawr bilood oo kaliya jooga Molineux Stadium waxay kooxaha waaweyn ee Ingiriisku bilaabeen inay u gacan haadiyaan.
Wolves oo ku dhibaatoonaysa horyaalka Premier League oo kaliya farqiga goolasha kaga baxsan khadka cas ee kooxaha dib ugu noqonaya heerka labaad, ayaa waxa sida qorraxda ka dhax iftiimaya Wolves oo bandhig heersare ah samaynaya.
Laacibkan oo xulka qarankiisa u saftay 11 jeer ayay Liverpool u diyaarisay £40 milyan oo Gini oo ay doonayso inay ku iibsato, balse tartanka ay soo gashay Chelsea ayaa la filayaa inuu sare u qaado qiimaha laacibkan.