Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhamaystirtay weeraryahan dilaa ah oo mustaqbalka iyo haddaba ay Blues ugu talo-gashay inay u isticmaasho, kaas oo kaliya ay hadhsan tahay inuu tijaabada caafimaadka ka gudbo.
Gellinka dambe ee maanta ayaa magaalada London uu tijaabada caafimaadka ku mari doonaa weeraryahanka da’da yaar ee David Datro Fofana oo ay Chelsea kasoo bixisay 12 milyan oo Euro, waxaana uu noqon doonaa saxeexii labaad ee ay Chelsea samayso maalmo gudahood.
David Datro Fofana ayay Chelsea kala soo wareegaysaa kooxda reer Norway ee Molde oo sannadkan socda uu u dhaaliyey 21 gool iyo toddoba kale oo uu caawiye ka noqday, inkasta oo ay da’diisu yar tahay oo aanu helin fursado iyo khbrad badan oo ka caawisa dhamaystirka goolasha.
Fofana oo dhashay sannadkii 2002 ayay hadda da’diisu tahay 20 jir, waxaana uu soo gaadhayaa Blues xilli ay kaalinta siddeedaad kaga jirto miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League oo ay ka dhibaatoonayso afka hore ee weerarka oo dhowaan uu ka dhaawacmay Broja oo xilli ciyaareedka macasalaameeyey.
Imaatinka David Datro Fofana ee Chelsea ayaan wax saamayn ah ku yeelan doonin qorshaha Christopher Nkunku oo Chelsea ay toddobaad ka hor ku dhawaaqday inay si buuxda u dhamaystirtay heshiiskiisa oo uu Stamford Bridge soo gaadhi doono bisha June.
Xiddiga reer France ee Christopher Nkunku oo dhaawac ku seegay Koobka Adduunka ayaa kusii negaan doona kooxdiisa RB Leipzig illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, markaas ayaanu usoo dhaqaaqi doonaa dhinaca horyaalka Premier League oo uu ku biiri doonaa Blues, balse waxa inta ka horreysa uu tababare Graham Potter sii carbisan doonaa David Datro Fofana.