Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Mishiinkii Argentina Ka Caawiyey Guushii Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 28, 2022
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalab xambaarsan €130 milyan oo Gini u gudbisay kooxda reer Portugal ee Benfica oo ay ka doonayso mishiinkii khadka dhexe ee Argentina ka caawiyey inay ku guuleystaan Koobka Adduunka toddobaadkii hore.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaa la sheegay in ay dalabkeeda oo rasmi ah gaadhsiisay Benfica oo ay ka doonayso Enzo Fernandez oo ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa da’yartii Koobka Adduunka ka qayb-gashay.

Fernandez oo ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa Koobka Adduunka ayay kooxo badan oo reer Yurub ah danaynayaan, waxaanay Blues go’aansatay inay bisha January isku daydo saxeexiisa.

Chelsea 3

ADVERTISEMENT

21 jirkan ayaa qandaraaskiisa Benfica lagu burburin karayaa £105 milyan oo Gini, hase yeeshee Chelsea ayaa si ay degdeg ugu soo afjarto saxeexa laacibkan waxay bixinaysaa £115 milyan oo Gini oo u dhiganta €130 milyan oo Euro.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal ayaa xaqiijiyey in Benfica uu gaadhay dalabka Chelsea oo maalmo ka hor la gudbiyey, waxaanay Benfica hadda naaqishaysaa dalabka lacagta badan xambaarsan oo Enzo Fernandez ka dhigi doona ciyaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda horyaalka Premier League oo uu haystay Jack Grealish oo ay Man City £100 milyan oo Gini kaga iibsatay Aston Villa.

Chelsea ayaa dalabkeeda gudbisay markii ay ogaatay in ay Newcastle United diyaar u tahay inay dalab lacag badan xambaarsan ka gudbiso Enzo Fernandez oo sidoo kalena ay xiisaynayso Liverpool, balse Newcaslte United ayaa la rumaysan yahay in marnaba aanay gaadhi karayn lacagta ay Chelsea miiska saartay.

Tababare Graham Potter ayaa go’aansaday in kooxdiisu ay khadka dhexe iska dhisto suuqa January maadaama uu dhaawac ku maqan yahay N’Golo Kante oo illaa bisha February maqnaanaya isaga oo waliba inta badan xilli ciyaareedkan jiifay.

ADVERTISEMENT
Share376Tweet235
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.