Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Chelsea Oo Arsenal Ka Afduubatay Saxiixa Mykhylo Mudryk & Hishiis Dhacay

by Saed Mohamed
January 14, 2023
0
Chelsea Oo Ka Inkaarsanaysa Arsenal, Kana Afduubaysa Xiddigii Uu Qorshaha Ku Darsaday Mikel Arteta

Chelsea ayaa ka afduubatay Arsenal saxiixa Mykhaylo Mudyrk iyagoo hishiis la gaaray kooxdiisa Shakhtar Donetsk.

ADVERTISEMENT

Gunners ayaa hogaamineysay tartanka loogu jiray Mudryk, kaasoo bartilmaameed koowaad u ahaa madaama ay ku haminayaan hanashada horyaalka Premier League.

Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in Blues ay xiddigaan ka hoos xaday Arsenal iyagoo u duulay Poland islamarkaana hishiis la gaaray Shakhtar madaxdeeda oo wadankaas ku sugnaa.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa hishiis la gaartay kooxda reer Ukraine.

ADVERTISEMENT

Chelse aayaa ogolaatay inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraas ciyaaryahanka oo aheyd 100 milyan euro oo u dhiganta 89 milyan ginni.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Kooxda tababare Graham Potter waxay haatan u baahan tahay inay hishiis la gaarto ciyaaryahanka iyadoo Mudryk uu ku adkeysanayay inuu doonayay Arsenal.

Hishiiska Chelsea iyo Shakhtar Donetsk ayaa yimid ka dib markii Arsenal laga soo diiday labo dalab iyadoo dalabkoodii seddexaad uu ahaa 84 milyan ginni.

Fabrizio Romano ayaa Twitter ku soo qoray: “Chelsea waxay kala hishiisay Shakhtar Donetsk saxiixa Mudryk iyagoo ku hishiiyay 100 milyan euro.

“Chelsea waxay haatan la hadleysaa ciyaaryahanka iyadoo Mudryk ay muhiimsadiisa ay mar walba aheyd Arsenal.”

ADVERTISEMENT

Understand Mykhaylo Mudryk is now on a plane flying to London. His future enters into key, final stages as Chelsea have offered contract valid until June 2030. 🚨🔵✈️ #CFC

Chelsea hope to get it sealed this weekend.

Arsenal keep their position, bid made to Mudryk won’t change. pic.twitter.com/Z67BQvcOn1

— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) January 14, 2023

Fabrizio Romano ayaa sheegay in Mudryk uu haatan ku sii jeedo London iyadoo Chelsea ay kalsooni ku qabto inay hishiis shaqsi ah la gaari doonto. Waxay u soo bandhigeen qandaraas dhacaya bisha Juun 2030ka waa qandaraas todoba sannadood ah.

Waxay tani niyadjab weyn ku tahay Arsenal oo xiddigii ay ku haminayeen laga dulqaaday, waana xiddigii labaad oo ay Chelsea ka dulqaado Arsenal bishaan Janaayo ka dib Joao Felix oo amaah uga yimid Atletico Madrid.

Share418Tweet261
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.