Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Chelsea Oo Afduubatay Xiddig Kale Oo Kusii Jeeday Tottenham

by Abdiwahab Ahmed
January 25, 2023
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa afduub kale samaysay, waxaanay dhaxda u gashay xiddig laga sugayey Tottenham oo la filayay in uu maalmaha soo socda tijaabada caafimaadka u maro Spurs.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaa sii wadda afduubka ay ka samaynayso suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan oo ay kooxaha Premier League ka hor qaadayso xiddigaha ay sugayaan, waxaanay hore sidan oo kale ugu samaysay Arsenal oo ay waqti dambe ku garaacday Joao Felix iyo Mykhailo Mudryk.

Sida uu xaqiijiyey wargeyska Daily Mail, Chelsea ayaa waxay dhaxda u gashay oo ay qarka u saaran tahay inay Tottenham uga hormarto saxeexa difaaca midig ee Pedro Porro oo u ciyaara Sporting Lisbon.

Porro

ADVERTISEMENT

Tottenham ayaa waxay laacibkan ka gudbisay dalab £32.5 milyan oo Gini, ah, hase yeeshee waxa si lama filaan ah usoo gashay Chelsea oo saaka oo Arbaco ah iyaduna wada-hadallo la bilowday Sporting Lisbon.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu si dhab ah ugu dhaqaaqo saxeexa Porro oo 23 jir  ah, si uu ugu buuxiyo booska difaaca midig ee uu ka dhaawacan yahay Reece James.

Sporting Lisbon ayaa la sheegay in ay dalbanayso £40 milyan oo Gini oo ah lacagta lagu burburin karayo heshiiska laacibkan, taas oo ku qasbaysa Spurs inay kordhiso lacagta ay markii hore dalabkeedii koowaad ku gudbisay.

Porro oo Sporting Lisbon u saftay 96 ciyaarood ayaa u dhaliyey 12 gool, sidoo kalena caawiyey 20 kale, waxaana uu Antonio Conte doonayaa inuu ka ciyaaarsiiyo booska uu saluugga badan ka qabo ee difaaca midig ee uu hadda ku haysto Emerson Royal iyo Matt Doherty.

ADVERTISEMENT
Share538Tweet336
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.