Pele oo ahaa boqorkii kubada cagta ayaa geeriyooday isagoo da’diisa ay aheyd 82 sanno jir.
Dunida kubada cagta ayaa tacsi gashay ka dib markii la shaaciyay in halyeeygii Brazil uu ku geeriyooday dalkiisa.
Pele ayaa laga daweynayay kansar laakiin waxaa u shaqeyn weysay daawadii kansarka.
Waxaa haatan la xaqiijiyay inuu geeriyooday.
Isagoo lagu naaneesayay Boqorka Kubada Cagta, Pele ayaa ku guuleystay seddex Koob Adduun uu u qaaday Brazil intii u dhaxeysay 1958kii ilaa 1970kii, waa ciyaaryahanka kaliya ee abid sidaas sameeya taariikhda kubada cagta.
Wuxuu dhaliyay 1279 gool 1363 kulan uu saftay oo ay ku jiraan kulamo saaxiibtinimo, waana tiro la aqoonsan yahay oo lagu daray buuga diiwaanka ee Guinness World Record.
Wuxuu dhaliyay 77 gool 92 kulan uu u saftay xulkiisa qaranka, waana rikoodh uu barbareeyay Neymar Koobkii Adduunka ee dhawaan dhamaaday.
Pele wuxuu dunida is baray isagoo aad u da’ yar.
Wuxuu kooxdiisa Santos u saftay markii uu 15 sanno jir ahaa, isagoo kulankiisii ugu horeysay ee Brazil ciyaaray markii uu 16 sanno jir ahaa.
Wuxuu ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 1958kii isago 17 sanno jir ah ka dibna wuxuu ku guuleystay mar kale 1962kii iyo 1970kii.
Boqorka kubada cagta wuxuu dhaliyay 643 gool 659 kulan uu u saftay kooxdiisa Santos 18 sannadood uu la joogay.
Wuxuu sidoo kale u ciyaaray kooxda New York Cosmos isagoo ciyaaraha ka fariistay 1977kii.
Sannadkii 1992kii ka dib waayihiisa ciyaareed waxaa loo magacaabay ambasadoorka Qaramada Midoobay ee dhanka deegaanka.
Seddex sannadood ka dib wuxuu noqday wasiirka Isboortiga Brazil iyadoo uu u magacaabay madaxweyne Fernando Henrique Cardoso.
Pele wuxuu dunida uga tagay xaaskiisa seddexaad Marcia Aoki iyo lix caruur ah.