Laba sannadood oo uu xidhnaa oo lagu bahdilayay fagaareyaasha iyo warbaahinta kaddib, Benjamin Mendy ayaa maanta lagu waayay dhamaan kiisaskii kufsiga la xidhiidhay ee loo haystay, waxaana lagu dhawaaqay in aan wax dembi ah lagu helin.
Maxkamadda Chester Crown Court ayaa shaacisay in lix kiis oo kufsi ah oo loo haystay Mendy lagu waayay dhamaantood, sidoo kalena meesha laga saaray laba eedaymood oo kale oo midkood ahayd tacaddiyo uu u geystay gabadh iyo isku-day kufsi, laakiin labadan ayaa wali u baahan in mar kale la dhegaysto.
Benjamin Mendy oo 28 jir ah, isla markaana xidhnaa ku dhowaad laba sannadood ayaa afka furtay markii maanta ay maxkamadda Chester Crown Court sheegtay in aan wax dembi lagu helin oo uu beri ka yahay eedaymihii uu u xidhnaa, waxaana uu sheegay in uu hadda u dhaqaaqayo sidii uu dib ugu dhisi lahaa sumcaddiisa ee uu iskaga nadiifin lahaa burushkii fadeexadda ee la marmariyey.
Qareenka Mendy oo lagu maagacaabo Jenny Wiltshire ayaa la hadashay saxaafadda, markii uu soo baxay xukunkii maxkamadda Chester Crown Court ee ahaa in uu dembi la’aan yahay Mendy, waxaanay tidhi: “Macmiilkayga Benjamin Mendy waxa uu u mahad-celinayaa xubnaha xukaamta maxkamadda ee feejignaanta iyo ka go’naanshaha muujiyey.
“Waxa uu dareensan yahay in uu qof walba isaga taageeray, gaar ahaan markhatiyadii goob-joogga ahaa ee keenay caddaymaha ee sida adag u difaacay.
‘Waxa uu rajaynayaa in uu magaciisa ka nadiifin doono waxa lagu xidhiidhiyey, labada kiis ee hadhayna dhamaan doonaan, kaddibna uu bilaabi doono inuu dib u dhisto noloshiisa.
“Illaa inta lasoo gabogabaynayo dacwadahan, aniga iyo macmiilkayga midkaayana ma awoodo inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.”
Dhinaca kale, Manchester City ayaa war-saxaafadeed soo saartay markii ay maxkamaddu go’aankeeda gaadhay, waxaanay sheegtay inay la socoto qaraarka maxkamadda Chester Crown Court ee ay xukaamtu sheegeen in aan wax dembi ah lagu helin Mendy, laakiin ay kooxdu sugayso inta labada kiis ee hadhay go’aanka laga gaadhayo.
Si kastaba, Mendy ayaa wali kusii jiri doona saldhigga oo xidhnaan doona, waxaana mar kale maxkamadda la hor geyn doonaa January 27, ka hor inta aanay bilaabmin saddex toddobaad oo ah dhamaystirka dacwaddiisu badhtamaha sannadkan. Saddexda usbuuc ee lagu soo gunaanadayo kiiskan ayaa bilaabmi doona June 26.