Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxeexii Koowaad Ee January & Ereyadii Ugu Horreeyey Ee Kasoo Yeedhay Trossar

by Abdiwahab Ahmed
January 20, 2023
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard oo ay £27 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Brighton & Hove Albion, waxaana uu noqonayaa ciyaartoygii koowaad ee ay Gunners la saxeexato bishan January.

ADVERTISEMENT

Leandro Trossard ayaa qalinka ku duugay heshiis afar sannadood ah oo uu la socdo sannad shanaad oo dookh ah oo qandaraaaskiisa ay ku kordhin karayso Arsenal.

Mikel Arteta oo niyad-jab ka qaaday labadii ciyaartoy ee uu doonayay ee ay Chelsea ka hor qaadday ee Joao Felix iyo Mykhailo Mudryk ayaa waxa uu helay Leandro Trossard oo khibrad badan u leh horyaalka Premier League oo uu saddex sannadood iyo badh ka ciyaaarayay.

Trossard ayaa markii uu heshiiska saxeexay waxa uu la hadlay saxaafadda, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka mid  noqdo Arsenal laakiin waxa uu shaki geliyey inuu qayb ka noqon doono kulanka Manchester United ee Axadda.

ADVERTISEMENT

Marii uu heshiiska saxeexay ayuu la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “Waxa aan ogahay in uu tababaraha Arsenal yahay macallin wanaagsan, waxaanan rajaynayaa in aanu waxyaabo wanaagsan ku wada guuleysan doono, aniguna aan noqon doono ciyaartoy ku wanaagsan wax walba.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

“Ad ayaan ugu faraxsanahay in aan tageereyaasha ku arko garoonka. Waxa aan rajaynayaa in aan wax walba u huri doono. Waxa aan doonayaa in aan isku dayo in aan abuuro waqtiyo mucjiso ah illaa intii suurtogal ah oo aynu u wada dabbaal-degi karno.

“Arteta iyo Edu waxay ii sheegeen in aan ahay ciyaartoy ay si dhaab ah u doonayaan, iyo in aan ku habboonahay qaab ciyaareedka kooxda. Waxay ii sharraxeen sida aan doonayo inay ii ciyaarsiiyaan. Waxa i caawin doonta in aan boosas kala duwan ka ciyaari doono.”

Leandro Trossard ayaa Arsenal u xidhan doona No.19 oo markii ugu dambaysay uu xidhan jiray Nicolas Pepe laakiin ay sidoo kale qaateen Bernd Leno, Santi Cazorla iyo Jack Wilshere.

ADVERTISEMENT
Share344Tweet215
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.