Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Xiddigii La Sugayey

by Abdiwahab Ahmed
January 23, 2023
0
DEG-DEG: Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Xiddigii La Sugayey

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska daafaca reer Poland ee Jakub Kiwior oo maalin ka hor ka gudbay tijaabada caafimaadka, isla markaana ku sugnaa Emirates ciyaartii Axaddii ay Gunners 3-2 ku garaacday Manchester United.

ADVERTISEMENT

Arsenal ayaa waxay ka bixisay laacibkan €25 milyan oo Euro oo ay u shubayso kooxda horyaalka Talyaaniga ee Spezia, waxaana uu saxeexay heshiis shan sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2027, kaas oo uu la socdo sannad kale oo dookh ah oo Gunners siinaya inay kordhin karto qandaraaska laacibkan.

Arsenal ayaa si rasmi ah laacibkan ugu soo bandhigtay garoonkeeda, waxaana saxaafadda la hadlay Edu iyo Mikel Arteta oo amaan kula dul-dhacay Jakub Kiwior.

Edu oo ka hadlayay laacibkan ayaa yidhi: “Aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu dhamaystirno heshiiska Jakub Kiwior. Waa ciyaartoy da’yar oo aanu in muddo ah la soconay. Waxa aanu rajaynaynaa in aynu arki doono Jakub oo sii wadaya horumarka, waananu kusoo dhoweynaynaa Arsenal.”

ADVERTISEMENT

Tababare Mikel Arteta ayaa isaguna yidhi: “Waa wax wanaagsan in Jakub uu ngu soo biiro. Waa difaac da’yar oo boosas kala duwan ka ciyaara, waxaana uu tayadiisa ku muujiyey intii uu u ciyaarayay Spezia horyaalka Talyaaniga iyo xulka qaranka Poland.”

Arsenal ayaa waxay lacagta Jakub Kiwior u kala bixin doontaa laba qaybood, waxaana la filayaa inuu kulankiisa koowaad u safan doono ciyaarta Jimcaha ee wareegga siddeedda FA Cup, waxaana uu laacibkan lugta bidix ku dheela uu difaaca dhexe kula tartami doonaa Gabriel Magalhaes iyo William Saliba.

ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
Share496Tweet310
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.