Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshay jawaab aanay ku farxin oo uga timid Shakhtar Donetsk oo ay ka doonayeen Mykhaylo Mudryk, kaas oo markii labaad ay toddobaadkan dalab si weyn sare loogu qaaday lacagtiisa ka gudbiyeen.
Arsenal ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ee suuqa January ka dhigatay Mykhaylo Mudryk oo ay doonayeen inuu u beddelo Gabriel Jesus oo dhaawac saddex bilood ah ku maqnaanaya, hase yeeshee Shakhtar Donetsk ayaa sidii la filayay diidday dalabkan kaddib markii ay Chelsea oo soo gashay tartanka laacibkan, iyadoo diyaar la ah lacag ka badan inta Arsenal ku doonayso.
Mykhaylo Mudryk oo berri ay da’diisu noqon doonto 22 jir ayaa waxay hore Arsenal ugu dalbatay £52 milyan oo Gini oo laga diiday, waxaanay mar labaad direen dalab xambaarsan £62 milyan oo Gini oo isagana maanta ay Shakhtar ka bixisay jawaab diidmo ah.
Wargeyska Daily Mail ayaa la xidhiidhay guddoomiyaha kooxda Shakhtar Donetsk oo lagu magacaabo Sergei Palkin waxaana uu u xaqiijiyey inay diideen dalabka labaad ee Arsenal, sababtoo ah waxay doonayaan in ay laacibkoodan ku fasaxan lacag gaadhaysa 100 milyan oo Euro.
Darijo Srna oo ah agaasimaha kubadda cagta Shakhtar Donetsk ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda tegi doono magaalada London oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Chelsea oo ay wararku sheegayaan inay £88 milyan oo Gini ku dalbatay laacibkan.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayay niyad-jab weyn ku tahay in mar labaad laga diido dalabkii ay ku doonayeen weeraryahanka reer Ukraine, waxaana uga sii daraysa in Chelsea ay u muuqanayso inay hor qaadayso Mykhaylo Mudryk.