Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

DEG-DEG: Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddig Real Madrid Ay Mustaqbalka U Diyaarsanayso

by Abdiwahab Ahmed
January 20, 2023
0
DEG-DEG: Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddig Real Madrid Ay Mustaqbalka U Diyaarsanayso

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dalab ka gudbinaysa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee Real Madrid ee ay Los Blancos u diyaarsanayso mustaqbalka, kaas oo tababare Mikel Arteta uu doonayo inuu kasoo afduubto oo uu ku xoojiyo safkiisa.

ADVERTISEMENT

Arsenal oo hoggaanka horyaalka Premier League haysa ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexeedii koowaad ee January oo noqday Leandro Trossard oo ay kala soo wareegeen Brighton & Hove Albion, waxaanay sidoo kale qarka u saaran yihiin difaaca reer Poland ee Jakub Kiwior.

Gunners ayaa doonaysa inay isasii dhisto si ay u xajisan karto hoggaanka horyaalka oo inay ku guuleystaan ay ugu dambaysay 19 sannadood ka hor.

Sida uu ogaaday wargeyska Evening Standard, Arsenal ayaa waxay diyaarisay dalab lama filaan ah oo ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Eduardo Camavinga oo ay ku doonayaan amaah illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah.

ADVERTISEMENT

20 jirkan oo ay Real Madrid kasoo iibsatay Rennes sannadkii 2021 ayaan boos joogto ah ka haysanin kooxdiisa, waxaanay Gunners isku dayayaan inay kaga faa’iidaystaan arrintaas inkasta oo ay adag tahay in ay Madrid ogolaato inay iska dirto maadaama uu hoos  u dhac ku yimid Luka Modric iyo Toni Kroos, halka saxeexoodii cusbaa ee Aurelien Tchouameni uu dhaawac soo gaadhay.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Camavinga ayuu Mikel Arteta u arkaa ciyaartoy ay fiican tahay tayadiisa iyo farsamadiisu, kuna habboon inuu la jaan-qaado ciyaartoyda kooxdiisa Arsenal oo uu xoojin karo qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa khadka dhexe ee West Ham iyo xulka England ee Declan Rice oo ay kooxdiisu sagxadda hoose ee miiska kala-sarraynta Premier League  ay fadhido waxayse Hammers ku xidhay lacag badan.

ADVERTISEMENT
Share453Tweet283
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.