Lionel Messi oo 36 sannadood ka dib ku hogaamiyay dalkiisa Argentina Koobka Adduunka ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibkii ugu fiicnaa Koobka Adduunka.
Messi ayaa ciyaartii finalka waxa uu dhaliyay labo gool isagoo xulkiisa ka caawiyay inay rigoore 4-2 kaga badiyaan xulka Faransiiska oo ciyaarta nafta agdhigay ilaa daqiiqadii ugu danbeysay.
Messi ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay abid ee shabaqa soo taabtay wareeg kasta oo ka mid ah Koobka Adduunka ka soo bilow wareega guruubyada ilaa ciyaarta kama danbeysta ah.
Markii ugu horeysay tan iyo 1986kii ayuu Lionel Messi Koobka Adduunka u qaaday xulka Aregntina isagoo ku guuleystay koob walba oo lagu guuleysan karo.
10 La Liga
1 Ligue 1
7 Copa del Rey
7 Supercopa de España
4 Champions League
3 UEFA Super Cup
3 Club World Cup
7 Ballon d’Or
1 Copa America
1 World Cup
Dhanka kale Kylian Mbappe ayaa abaalmarinta gooldhalinta Koobka Adduunka waxa uu ka hoos xaday Lionel Messi isagoo ku guuleystay Kabta Dahabka.
Labada xiddig ee PSG ayaa min todoba gool wada lahaa ka hor inta uusan Mbappe dhameystirin seddexleydiisa waqtigii dheeriga ee ciyaarta.
Mbappe ayaa gooldhalinta ku qaaday sideed gool halka Messi looga qaaday todoba gool.
Kylian Mbappe ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee seddexleey ka dhaliya finalka Koobka Adduunka tan iyo 1966kii markaasoo xiddigii Ingariiska Geoff Hurts uu seddexleey dhaliyay.
Gooldhalinta Koobka Adduunka
8 goolal
Kylian Mbappe (France)
7 goolal
Lionel Messi (Argentina)
4 goolal
Julian Alvarez (Argentina), Olivier Giroud (France)
Goolhayihii ugu fiicnaa tartanka waxaa ku guuleystay goolhayaha Argentina Emi Martinez oo Argentina ku hogaamiyay guushii caawa ka dib markii uu rigoore ka badbaadiyay Coman halka uu sidoo kale Netherlands ku reebay rigoore.
Da’ yarkii ugu fiicnaa Koobka Adduunka waxaa ku guuleystay xiddiga Argentina iyo Benfica Enzo Fernandez.