Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DEG-DEG: 21kii Ciyaartoy Oo Laga Caydhiyey Xulka Qaranka Cameroon

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

Fadeexad ayaa ka ttaagan waddanka Cameroon, waxaana xidhiidhka kubadda cagta dalkaasi uu xulkooda ka caydhiyey 21 ciyaartoy oo eedaymo loo jeedinayo, kaddib markii uu tuhun ka dhashay da’da ay jiraan inkasta oo ay guulo soo hooyeen.

ADVERTISEMENT

Cameroon oo kulankoodii ugu dabeeyey Koobkii Adduunka ee Qatar 1-0 ku garaacday Brazil, ayaa waxa hadal-hayn badan keenay go’aankii uu tababare Song xulka kaga eryey goolhaye Andre Onana oo ay isku dhaceen, iyadoo waliba uu ahaa goolhayaha ugu wanaagsan ee ay haysteen.

Samuel Eto’o oo ah madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Cameroon ayaa qaaday tallaabooyin uu ku yaraynayo fadeexadaha iyo dhibaatooyinka dalkiisa ee dhinaca kubadda cagta ee la sheegay in sannadihii ugu dambeeyey ay soo badanayeen.

Arrinta hadda taagan ee ay dunidu hadal-hayso ayaa waxay tahay, in 21 ciyaartoy laga caydhiyey xulka qaranka dalkaas kaddib markii la ogaaday inay been ka sheegeen da’dooda, isla markaana uu socdo baadhitaan lagu samaynayo ciyaartooyo badan oo kale.

ADVERTISEMENT

Xulka Cameroon ee ay da’doodu ka hoosayso 17-jirrada ayay ciyaartoydani ka tirsanaayeen, waxaana laga saaray liiska xulka dalkaas iyadoo sababtuna tahay been-abuur dhinaca da’da ah.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Xidhiidhka kubadda cagta Cameroon ayaa u yeedhay 44 ciyaartoy oo siddeed kooxood oo kala duwan u dheela, si loo dhegayso eedaymaha da’dooda, khiyaanooyin iyo been-abuur ay sameeyeen, waxaana arrintan lagu tilmaamay inay qayb ka tahay tallaabooyin uu madaxweyne Samuel Eto’o ku cidhib-tirayo dhibaatooyinka la xidhiidha da’da iyo been abuurka.

Eto’o oo ku mashquulsan arrintaas, ayaa waxa uu la kulmay jug weyn oo aanu filayn, waxaaana 17 ciyaartoy oo ka tirsan xulkiisa oo ka qaybgeli lahaa tartanka UNIFACC ee sannadkan ee dalalka badhtamaha  Afrika, in laga ganaaxay markii baadhitaano MRI ah oo lagu sameeyey ay muujiyeen in da’doodu ka weyn tahay inta ay sheeganayaan.

Afrika ayaa waxa caan ka ah ciyaaartoyda da’dooda beenta ka sheegay. Sannadkii 2019 waxa Koobkii Adduunka ee 17-jirrada laga saaray xulka qaranka Guinea oo la ogaaday inay ciyaartoydu da’dooda ka been abuureen oo iyaga oo waaweyn ay sheegteen 17-jirro.

Sidoo kale, sannadkii 1989kii, FIFA ayaa tartamada oo dhan ka mamnuucday xulka qaranka Nigeria ee dhamaan da’da kala duwan, iyadoo la ogaaday in sannadkii 1988kii ay tartankii olombikada dheeleen ciyaartooyo da’doodu ka weyn tahay intii la ogolaa.

ADVERTISEMENT
Share473Tweet296
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.