Kooxaha horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Liverpool ayaa la xaraashayaa, waxaanay mulkiileyaashoodu laba toddobaad oo isku xiga gudahood ku dhawaaqeen in ay iibinayaan oo ay faraha kala baxayaan ciyaaraha kubadda cagta Ingiriiska.
Mulkiilaha Liverpool ee John W Henry iyo shirkaddiisa Fenway Sports Group ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inay iibinayaan Liverpool, sidoo kalena Salaasadii ayay qoyska reer Glazer ee iska leh Manchester United ay shaaciyeen in ay iibinayaan Red Devils.
Maalqabeenno badan ayaa lala xidhiidhinayaa labada kooxoodba, waxaanay inta badan hadal-hayntu ka taagan tahay Manchester United oo ah naadiga la filayo inuu gilgilo suuqa iibka naadiyada, isla markaana noqoto kooxda ugu qaalisan ee la kala iibsaday taariikhda kubadda cagta.
Bilyaneerada la sheegay inay doonayaan kooxahan ayaa waxa ugu badan hantiileyaasha Maraykanaka, hase yeeshee kuwo reer Yurub ah iyo kuwo bariga dhexe ah ayaa iyaguna ku jira tartanka.
Wasiirka ciyaaraha waddanka Sucuudi Carabiya, Prince Abdulaziz bin Turki Al Faisal oo saxaafadda la hadlay ayaa dabka kusii shiday damaca Carabta ee kooxahan, waxaana waraysi uu siiyey BBC Sports uu ku sheegay inuu doonayo in labadan kooxoodba ay iibsadaan hantiileyaasha dalkiisu, isla markaana uu ku dhiirigelinayo.
“Premier League waa horyaalka loogu daawashada badan yahay Sucuudiga iyo gobolkaba, waxaanay leeyihiin taageereyaal badan.” Ayuu yidhi Abdulaziz bin Turki Al Faisal, waxaanu kusii daray: “Runtii waanu taageeraynaa haddii ay ganacsatada ama shirkadaha gaarka ah iibsanayaan [Liverpool & Manchester United], sababtoo ah waxay falcelin togan ka bixinaysaa ciyaaraha boqortooyda.”
Sucuudiga ayaa waxay hore u lahaayeen Newcastle United oo ay shirkadda dawladdu leedahay ee u qaabilsan maalgelinta dibeddu ay bishii October ee sannadkii hore ku iibsatay £300 milyan oo Gini.