Goolhayaha reer Spain ee David de Gea ayaa si xor ah uga tegi doona kooxdiisa Manchester Unitec dhamaadka xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu tababare Erik ten Hag go’aansaday in aan la cusboonaysiinin heshiiskiisa, sidoo kalena aan la dhaqan-gelinin 12 bilood oo dookh ahaa oo ay Red Devils haysato.
De Gea ayaa la sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu sii joogo, laakiin Red Devils ayaa u muuqata in aanay doonayn in ay hirgeliso 12kii bilood ee dookha ahaa ee heshiiskiisii hore ku jiray ee Manchester United fursadda u siinaya in ay sii haysato.
Sky Germany ayaa sheegtay in Manchester United aanay doonayn in ay sii haysato De Gea wixii ka dambeeya bisha June ee sannadka dambe, waxaana uu Erik Ten Hag doonayaa in uu la saxeexo xagaaga goolhaye cusub oo u beddela David de Gea.
David de Gea oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Manchester United waqtigan kaddib bixitaankii Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu toddobaadkii mushahar u qaataa lacag ka badan £375,000 Gini, waxaana sababaha ay Red Devils uga maagayso qandaraaskiisa cusub ka mid ah mushaharkiisa aadka u badan.
Sannadkii 2011 ayay Manchester United kasoo iibsatay De Gea kooxda reer Spain ee Atletico Madrid, waxaanay United doonaysaa in ay hadda u dhaqaaqdo goolhayaha xulka qaranka Portugal iyo FC Porto ee Diogo Costa oo bandhig fiican ka sameeyey Koobka Adduunka.
Waxa kale oo Man United dib ugu soo laaban doona Dean Henderson oo amaah sannad ah ugu maqan Nottingham Forest, halka warar kalena ku xidhiidhinayaan Robert Sanchez oo u ciyaara Brighton iyo David Raya oo ah goolhayaha koowaad ee Brentford. Sidoo kale, goolhayaha Athletic Bilbao iyo xulka Spain ayaa isaguna ku jira liiska goolhayeyaasha ay Manchester United indhaha ku hayso.