Kooxaha xiisaysanaya xiddiga da’da yar ee reer England ee Jude Bellingham ayaa hanqalka lasoo kacay, waxaanay mid walba dib ugu noqon doontaa qasnaddeeda si ay u hubiso lacagta suurtogalka ah ee ay ku bixin karayaan kubbad-sameeyahan oo toddobaadkan iska diiday heshiis cusub oo laba-jibbaar ka dhigayay mushaharkiisa.
Jude Bellingham ayaa bixiyey qish weyn oo ah inuu doonayo inuu ka tago Borussia Dortmund, waxaanauu hoos iskaga dhigay oo uu diiday inuu ogolaado qandaraas cusub oo kusii haynaya kooxdaas oo sare u qaadaya mushaharkiisa.
Dortmund ayaa waxay diyaar ula tahay Bellingham inay ka dhigto ciyaartoygii ugu mushaharka badnaa taariikhdeeda, waxaanay miiska u saartay shan sannadood oo heshiis cusub ah iyo mushahar gaadhaya £180,000 Gini toddobaadkii.
19 jirkan ayuu warku sheegay, in uu ka gaabsaday inuu u jawaabo kooxdiisa, taas oo ka farxisay kooxihii danaynayay, sida Liverpool, Real Madrid iyo labada naadi ee ka dhisan magaalada Manchester oo dhamaantood doonaya inay la saxeexdaan.
Qiimaha beeca ay Borussia Dortmund ku iibin karayso Jude Bellingham ayaa la sheegay in uu ka bilaabmi doono £100 milyan oo Gini, waxaana sida ay muujinyso xog uu helay wargeyska The Sun ay Dortmund u sheegtay naadiyada doonaya Bellingham inay bishan bixiyaan 75 boqolkiiba lacagtiisa, si ay u raadsadaan ciyaartoygii u beddeli lahaa.
Bellingham ayaa isagana la sheegay in uu dalbanayo lacag ka badan £300,000 Gini toddobaadkii, waana sababta uu u diiday heshiiska cusub ee kooxdiisa oo doonaysa, hase yeeshee waxay taasi caqabad ku noqon doontaa kooxaha doonaya qaarkood sida Liverpool oo ay ku adag tahay inay £300,000 Gini oo mushahar ah toddobaadkii siiyaan 19 jirkan.
Borussia Dortmund ayaa isku dayaysa inay ku qanciso Bellingham inuu cimrigiisa u hibeeyo, si la mid ah Youssoufa Moukoko na uu saxeexo heshiis soconaya illaa sannadka 2026.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha Real Madrid, Manchester United, Liverpool iyo Manchester City ayaa galka seefka ka saaraya oo u diyaar-garoobaya dagaal fool-ka-fool ah oo ay u gelayaan saxeexa Jude Bellingham.