DAGAAL: Real Madrid Oo Ka Joojinaysa Barcelona Inay Dib Usoo Ceshato Lionel Messi – Maxay Samaynayaan?

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay Barcelona uga hor joogsan lahayd in ay dib usoo ceshato xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo xilli ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Paris Saint-Germain, isla markaana xagaaga foodda inagu soo haya uu ku egyahay qandaraaskiisu.

Lionel Messi oo 21 sannadood oo uu ka tirsanaa Barcelona soo afjaray xagaagii 2021-22 ayaa, ayaa si xor ah ugu biiray PSG balse qandaraaskiisii labada sannadood ahaa ayaa durba uu hal sano dhamaaday midkii labaadna uu socdaa.

35 jirkan ayaa doonayay in uu sii joogo Camp Nou xilligii y kooxdiisa hore u sheegty in aanay qandaraas cusub siinayn, waxaana isaga oo diyaar u ah in uu sii joogo loo sheegay in aanay macquul ahayn oo aanay Barcelona haysanin awood dhaqaale oo ay ku bixin karto mushaharkiisa.

Advertisements

Messi ayaa xataa waqtigaas waxa uu ogolaaday in uu mushaharkiisa si weyn hoos ugu dhigo, balse sharciga La Liga ayaa ka xakamaynayey Barcelona  in ay diiwaangelin karto laacibkan maadaama qandaraaskiisa hore uu dhacay oo sidii ciyaartoy cusub oo kale loo tixgelin lahaa.

Kooxda reer Spain ayaa hadda isku dayaysa in ay dib usoo ceshato Lionel Messi marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan oo uu ku egyahay qandaraaskiisa PSG, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Barca ay wada-hadallo la yeelatay Messi, hase yeeshee kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ayaa qaadi doonta tallaabooyin ay kaga hor tegayso in ay Barcelona dib u hesho laacibkeedan hore, sida ay sheegtay idaacadda COPE.

Idaacaddu ma sheegin tallaabooyinka ay Real Madrid qaadayso ee ay kaga hor tegayso in Barcelona dib usoo ceshato Lionel Messi, hase yeeshee waxa kaliya oo ay xustay in ay isku dayi doonaan in ay ka hor joogsadaan Barcelona in mar kale uu Camp Nou kusoo laabto Lionel Messi.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Real Madrid ay isku dayi doonto inay ku qanciso Lionel Messi in uu yimaaddo kooxdeeda oo uu ka ciyaaro Santiago Bernabeu, inkasta oo ay adag tahay marka la eego da’da laacibkan iyo sida uu Messi u jecel yahay Barcelona oo aanay jamaahiirta Real Madrid aqbalayn.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada