DAAWO YAABKAN: Xiddig Ka Tirsan Xulka Argentina Oo Wajiga Ka Dhirbaaxay Lionel Messi, Kuna Yidhi ‘Ma Doqon Baad Tahay?’

Lionel Messi ayaa lagu dhax dhirbaaxay garoon tababar oo ku yaalla magaalada Miami ee waddanka Maraykanka, halkaas oo ciyaartoyda xulka qarankiisu ay iskugu diyaarinayaan kulamada saaxiibtinimo ee Honduras iyo Jamaica.

Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa waxa si kaftan ah usoo gardarraystay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid ee Rodrigo de Paul oo garabka ku riixay, kaddibna dhinaca ka maray oo hadallo ku tuuray ka hor intii aanu soo hor-istaagin ee aanu dhirbaaxin.

Muuqaalkan ayaa si weyn maanta looga hadal hayay dunida, hase yeeshee akhriste arrintu ma ahayn mid ay cadho keentay, waxaanay ku dhacday si kaftan iyo ilaaqtan tah.

Advertisements

Rodrygo de Paul ayaa ka daba tegay Lionel Messi oo si adag tababarka u qaadanayay, isla markaana isku diyaarinaya Koobka Adduunka ee waddanka Qatar ee bisha November oo uu hore usii sheegay in uu yahay midkii ugu dambeeyey ee uu xulka dalkiisa u ciyaaro.

Kubbad-sameeyaha Atletico Madrid ee De Paul, ayaa laba kalmadood oo ay is-dhaafasadeen Lionel Messi waxa uu wajiga kaga dhuftay dhirbaaxo fudud, isaga oo raaciyey ereyo ay ka mid ahaayeen: “Ma doqon baad tahay, Leo?’.

Lionel Messi oo arkayay in saaxiibkii uu kaftamayo ayaa hor istaagay oo qoslay, waxna aan kasoo qaadin dhacdadan, waxaase iyaguna u yimid dhawr ciyaartoy oo kale oo xulka Argentina ah oo la wadaagay kaftan iyo qosol, taas oo caddaysay in wax walba ay ahaayeen kaftan iyo ciyaar-ciyaar oo ay maadaysi samaynayeen Messi iyo De Paul.

Si kastaba, Lionel Messi oo sannadkii 2021 soo afjaray abaartii koobab la’aanta ee xulka qarankiisa ka haysatay ayaa hadda isku diyaarinaya Koobka Adduunka oo ay Group C kula jiraan Mexico, Poland iyo Saudi Arabia.

Halkan ka daawo muuqaalka dhacdada dhirbaaxada Messi

Advertisements

2 Fekradood

  1. Wax lay sheega idinka hada waxaan dharxasho miyaa uma jeedo messi meesha lagu dharbaaxay baashaal waaye waxaan gaalada waxay dhahaan Pastime xasiidaran messi wuu qosloyaa nin ladharbaaxay muuqoslaa

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada