Xubin ka tirsan barlamaanka dalka Ghana ayaa u isticmaalay Harry Maguire inuu ku weeraro siyaasi ay iska soo horjeedeen xilli laga doodayay miisaaniyada dalka.
Isaac Adongo ayaa ka yaabiyay xildhibaanada barlamaanka iyo tageerayaasha kubada cagta ka dib markii uu tusaale u soo qaatay Harry Maguire.
50 jirkaan oo loo doortay barlamaanka markii ugu horeysay sannadkii la soo dhaafay ayaa weeraray madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyadoo laga doodayay miisaaniyada dalka ee 2023ka.
Xildhibaanka ayaa ka dib tusaale u soo qaatay Maguire si uu u muujiyo in madaxweyne ku xigeenka uu u yahay shaqsi aan waxba kala ogeyn.
Daawo Muuqaalka Oo Dhameystiran:
Mr Adongo ayaa yiri: “Haddii aad tahay taageere kubada cagta ah … waxaa jiray ciyaaryahan Ingariis ah oo la yiraahdo Maguire kaasoo u ciyaara Manchester United. Waa difaac.
“Markii uu joogay Leicester waxa uu taakal ku qabanayay cid walba, jirkiisa ayuu hordhigayay wax walba. Waxaa loo arkayay daafaca ugu fiican dunida.
“Manchester United ayaa soo iibsatay. Waxa uu noqday halista ugu weyn ee daafaca Manchester United, wuxuu taakalo ku qabtaa ciyaartoyda kooxdiisa, wuxuuna caawiye u noqdaa kooxaha ka soo horjeeda.
“Mudane gudoomiye, xitaa marka kooxda ka soo horjeeda ay gool dhalin weyso, Maguire ayaa u dhaliya iyaga.
“Mudane gudoomiye, waxaad xusuusataa in wadankaan aan sidoo kale ku heysano dhaqaale yahan Maguire ah.”
Ka dib waxa uu hadalkiisa raaciyay in madaxweyne ku xigeenka Dr Mahamudu Bawumia inuu goolal iska dhaliyo sida daafaca.
Xildhibaanadii joogay golaha shacab ayaa qosol la dhacay halka taageerayaasha kubada cagta ay muuqaalkaan si weyn ugu waadagayaan baraha bulshada.