Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DAAWO: Qorshihii Cadawtinimada Lahaa Ee Didier Deschamps Ku Bahdilayey Karim Benzema Ka Hor Koobkii Adduunka Oo Lasoo Bandhigay

by Abdiwahab Ahmed
January 7, 2023
0
DAAWO: Qorshihii Cadawtinimada Lahaa Ee Didier Deschamps Ku Bahdilayey Karim Benzema Ka Hor Koobkii Adduunka Oo Lasoo Bandhigay

Karim Benzema ayaa maanta si dhab ah uga quustay inuu mar dambe xidhanayo garanka xulka qaranka Faransiiska ee uu bishii hore shaaciyey inuu ka fadhiistay, waxaana rajadii laga qabay inuu Karim dib ugu soo laaban karo ay soo dhamaatay markii maanta uu xidhiidhka kubadda cagta Faransiisku shaaciyey in heshiis cusub oo laba sannadood ah uu saxeexay tababare Didier Deschamps.

ADVERTISEMENT

Benzema oo xulka Faransiiska uu ka caydhiyey Deschamps waxyar ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunka, ayaa waxa hadda soo baxday in qorshe bahdilaad ah uu marka horeba sii dejiyey Deschamps.

Xiddigan bishii November ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, ayaa dhaawac fudud oo soo gaadhay uu qiil ak dhigtay Deschamps, waxaana isaga oo kaliya saddex maalmood kusoo kaban karayay uu ku amray inuu gurigiisa ku laabto, sidaasna kaga diray xulka.

Wariyaha ciyaaraha ee Daniel Riolo oo ka tirsan telefishanka RMC Sports ayaa helay xogta qorshe uu marka horeba hoosta ku haystay Deschamps oo ahayd inuu bahdilo Karim Benzema.

ADVERTISEMENT

Daniel Riolo ayaa waxa uu sheegay, in Deschamps aanu doonayn inuu Karim Benzema ku daro liiska xulkiisa ee Koobkii Adduunka, laakiin uu beddelay go’aankiisa markii uu laacibkani ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, si uu iskaga jeediyo indhaha taageereyaasha oo uu kala kulmi lahaa canaan badan.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

“Benzema dhaawac fudud ayaa soo gaadhay ka  hor Koobka Adduunka laakiin jidhkiisa ayuu garanayay inuu soo kabanayo, taasina dad ayay ka cadhaysiisay.” Ayuu yidhi Daniel Riolo oo ka hadlayay RMC Sports.

“Waxay ku qasbeen tababarka isaga oo aan diyaar u ahayn, isla markaana doonayn, waanu ku dhaawacmay. Wuu kusoo laaban karayay garoonka wareeggii 16-kaba, waxaanu u qalmayay ixtiraam intaa ka badan. Waxa se loola dhaqmay si anshaxa ka baxsan, waana la eryey.

“Ciyaartoyda qaarkood oo ay ku jiraan Lloris, Girezmann ama Giroud kuma aanay faraxsanayn inuu kaa tago xulka, waxaase jirtay xurguf u dhaxaysay. Aniga  ilama aha in Deschamps uu marka horeba doonayay inuu Benzema kusoo daro xulka Faransiiska, laakiin waxa uu ugu soo daray si uu cadhada dadka uga badbaado, sababtoo ah waxa ku adag inuu xakameeyo falcelinta dadka.”

Halkan ka daawo wariye Daniel Riolo oo si Live ah uga hadlaya arrintan

ADVERTISEMENT

🇫🇷🎙 Le point de vue de l’équipe de France sur les dessous de la fin de l’histoire entre Karim Benzema et les Bleus (Partie 1). #RMCLive pic.twitter.com/f2s7WS6nlq

— After Foot RMC (@AfterRMC) January 5, 2023

Share516Tweet323
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.