Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ligue 1

Daawo Neymar Oo Istuurkii Ugu Xumaa Lagu Siiyay Kaadh Cas Xilli Mbappe Uu Guul Ku Hogaamiyay PSG

by Saed Mohamed
December 29, 2022
0
Daawo Neymar Oo Istuurkii Ugu Xumaa Lagu Siiyay Kaadh Cas Xilli Mbappe Uu Guul Ku Hogaamiyay PSG

Neymar ayaa casaan qaatay ku soo laabashadiisii Paris Saint-Germain xalay oo Arbaco aheyd.

ADVERTISEMENT

Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ayaa la ciyaareysa kooxda Strasbourg kulankoodii ugu horeeyay ee ka dib Koobka Adduunka.

Inkastoo Lionel Messi loo ogolaaday inuu muddo dheer fasax ku maqnaado madaama uu u dabaaldegayo weli Koobka Adduunka, waxaa PSG ku soo laabtay labada xiddig ee Neymar iyo Kylian Mbappe.

Laakiin habeen la iska ilaawo ayay u aheyd Neymar kaasoo labo kaadh hurdi oo isku xigta qaatay qeybtii labaad ee ciyaarta.

ADVERTISEMENT

Kaadhkiisii ugu horeysay ee hurdiga waxay aheyd gacan uu wajiga uga dhuftay ciyaaryahan kubad kula xafiiltamayay, laakiin kaadhkiisa labaad wuxuu ku qaatay istuur lala yaabay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Neymar ayaa kubada ku helay xerada ganaaxa ka dib baas uu u soo dhigay Mbappe laakiin kubada ayuu si xoogan u taabtay isagoo isku dayayay inuu garab maro daafac.

Inkastoo aan la taaban haba yaraatee, wuxuu dhulka isagu tuuray si lala yaabay taasoo keentay in garsooraha uu ku ciqaabo kaadh labaad oo hurdi ah waxaana loogu daray casaankii uu mudnaa.

Neymar sent off in his first game back from the World Cup for diving, back to his old ways. #PSG #Diving #Neymar pic.twitter.com/0gxFxDGJhp

— Jamie (@Moweristhegoat) December 28, 2022

Neymar was re-yellow after diving for PSG match against Stronger and said goodbye to Neymar.🟥#Neymar #PSG #brezil pic.twitter.com/CNGb3S8Xik

— HM Hridoy Khan (@HMHrido67006967) December 28, 2022

ADVERTISEMENT

Xiddigii hore ee Barcelona iyo Santos ayaa looga bartay inuu si riwaayad ah dhulka isagu tuuro laakiin taasi kuma faa’idin kulankii xalay.

PSG ayaa u muuqatay in barbaro 1-1 ah lagu qabanayo ciyaartoodii ugu horeysay ee Koobka Adduunka ka dib markii kabtankooda Marquinhos uu labada shabaq soo taabtay.

Laakiin Mbappe ayaa guusha ku hogaamiyay Paris Saint-Germain isagoo rigoore u saxiixay daqiiqadii 96aad ee ciyaarta.

Share578Tweet361
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.