Weeraryahan Eddie Nketiah ayaa awoodi waayay inuu shabaqa taabto kulankii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo kahor inta uusan si rasmi ah u gashay kabaha booskii Gabriel Jesus oo Arsenal ka dhaawacmay.
Arsenal ayaa kulankeeda ugu soo horreeya ee tartan ah Premier League la ballansan West Ham United oo soo martiyi doonta.
Gunners ayaa ku laabanaya Premier League oo ay shan dhibcood hoggaanka ugu hayeen mudada koobka aduunka lagu maqnaa iyagoo sii wadi doona tartanka ay kula jiraan kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.
Iyadoo wali xiddigo muhiim ahi ka maqan yihiin ayuu haddana Mikel Arteta shax xoogan kusoo galay kulankii saaxiibtinimo ee ay Juventus xalay kula ciyaareen Emirates Stadium.
Arsenal ayaa 2-0 looga adkaaday ciyaartaas kaddib goolal ay si qaldan iskaga dhaliyeen Granit Xhaka iyo Rob Holding.
Mid kamida daqiiqadaha ugu hadal haynta badan ciyaartaas ayaa ah qasaarin uu sameeyay Nketiah oo gool furan dhalin kari waayay.
Nketiah ayaa fursad dahabi ah ka dhex helay goolhaye Perin iyo daafaca dhexe ee Fabio Miretti balse kubadda uu laagay ayaa birta gool madhan ku dhammaatay.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka
— ّ (@mohdars14) December 17, 2022