Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DAAWO: Faankii & Bootadii Luis Suarez Uu Kula Kacay Ghana Oo Ku Dambeeyey Oohin Uu Kaga Fadhiisanayo Ciyaraha

by Abdiwahab Ahmed
December 2, 2022
0
DAAWO: Faankii & Bootadii Luis Suarez Uu Kula Kacay Ghana Oo Ku Dambeeyey Oohin Uu Kaga Fadhiisanayo Ciyaraha

Luis Suarez ayaa tiirin doona kabaha oo ka fadhiisan doona kubadda cagta caalamiga ah, kaddib markii uu xulka dalkiisu ka hadhay Koobka Adduunka ee ay Koonfurta Korea usoo gudubtay wareegga 16ka. Wali kuma aanu dhawaaqin go’aankiisa hase yeeshee saxaafadda ayaa makarafoonka la daba socota oo suqayga inuu ku dhawaaqo saacadaha soo socda.

ADVERTISEMENT

Suarez oo ay da’diisu tahay 35 jir, isla markaana miisaankiisu cuslaaday ayaanay suurtogal u noqon doonin inuu sii xidhnaado shaadhka xulka qarankiisa, waana sababta uu oohinta u qabsaday dhamaadka ciyaartii xulka qarankiisu 2-0 kaga adkaaday Ghana.

Uruguay ayaa laba gool oo shan daqiiqadood u dhexeeyeen ka dhalisay Ghana oo kaliya u baahnayd barbarro si ay ugu soo gudubto wareegga 16ka, balse labada gool ee laga dhaliyey ayaa u sababay guul-darro iyadoo rikoodhe uu ka khasaariyey Andrew Ayew.

Suarez 2

ADVERTISEMENT

Ghana ayaa la filayay inay ka aargoosato Uruguay iyo Suarez oo sannadkii 2010 sidan oo kale Koobka Adduunka uga reebay. Xilli ciyaartu sii dhamaanaysay ayuu Luis Suarez gacan badheedh ah ku qabtay kubbad dhalanaysay, waxaana la siiyey kaadh casaan ah, hase yeeshee Gyan ayaa rikoodhihii ka khasaariyey Ghana, sidaas ayaanay uga hadheen Koobkii Adduunka 2010. 12 sannadood kaddib ayay mar kale ayay Uruguay sabab u noqotay in Ghana ka hadho Koobka Adduunka

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Iyadoo Uruguay ay is-bidday inay soo baxayso, ayay Koonfur Korea ka daba timid Portugal oo ay Group H ku wada jireen, waxaanay ku badiyeen 2-1 iyadoo daqiiqaddii 91aad uu Korea goolka guusha u dhaliyey Hwang Hee-chan.

Luis Suarez ayaa ilmada xajisan waayey oo oohin qabsaday iyadoo aanay ciyaartuba dhamaanin, xataa iyadoo haddii ay gool dhaliyaan uu dalkiisa Uruguay soo bixi lahaa.

Oohinta Suarez ayaa waxa ka horreeyey hadal uu maalin ka hor yidhi oo ahaa in aanu waligii raalligelin ka bixinayn gacantii uu kubadda ku qabtay ciyaartii Ghana ee Koobkii Adduunka 2010, balse maanta isaga oo ooyaya ayuu garoomada macasalaamaynayaa.

Halkan ka daawo oohintii Luis Suarez

Ghana fans 😂pic.twitter.com/XFdeVpxvYJ

— Troll Football (@TrollFootball) December 2, 2022

News has filtered through to Luis Suarez that Uruguay are currently going OUT…

As it stands, they'll finish third on goals scored! 😳 pic.twitter.com/32lRKZdeDM

— Match of the Day (@BBCMOTD) December 2, 2022

ADVERTISEMENT
Share375Tweet234
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.