Khadka dhexe ee kooxda Benfica ee Enzo Fernandez ayaa qishay go’aanka mustaqbalkiisa iyo haddii uu kooxdaas ka tagayo suuqa bishan xilli bixitaan si weyn loola xidhiidhinayay.
Enzo ayaa liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulankii hore laga saaray kaddib markii uu amar la’aan ku noqday dalkiisa Argentina oo uu dabaaldega sanadka cusub u tagay.
Laakiin 21 sano jirkaas 112 Milyan ee pound ku qiimaysan oo si xoogan Chelsea loola xidhiidhinayay ayaa xalay iska maydhay wixii hore kaddib gool uu ka dhaliyay kooxda Varzim kulan ay 2-0 kaga guuleysteen.
Kaddib gool ay kalsooni weyni ka muuqatay oo uu dhaliyay, Fernandez ayaa sameeyay dabaaldeg uu si cad ugu sheegayo inuusan meelna u socon oo Benfica sii joogayo isagoo dhawr jeer calaamada kooxdiisa taabtay kahor inta uusan dhulka gacanta ku tilmaamin.
Fernandez oo kamid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan Argentina Koobkii aduunka ayaa loo arkaa mid kamida xiddigaha ugu mustaqbalka fiican ee Yurub kasoo baxaya.
Walow uu xagaagii 2022 uun heshiis 10 Milyan oo pound ah ugu soo wareegay Benfica haddana kooxda ree Portugal ayaa durba 106 Milyan oo pound oo ah lacagta heshiiskiisa lagu jabin karo ugu yaraan ku doonaysa Enzo.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Dabaaldega Fernandez
Clear message from Enzo Fernández as he celebrates sending love to Benfica badge and fans after scoring ❤️👇🏻 @OFuraRedes 🎥 #Benfica #CFCpic.twitter.com/fZEbscDZwb
— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) January 10, 2023