Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

DAAWO: Dhaawacii Beenta Ahaa Ee Uu Booliska Kaga Baxday, Qaabkii Uu Isku Qariyey Iyo Qisada Xiddiga Burburiyey Qatar Ee Enner Valencia

by Abdiwahab Ahmed
November 20, 2022
1
DAAWO: Dhaawacii Beenta Ahaa Ee Uu Booliska Kaga Baxday, Qaabkii Uu Isku Qariyey Iyo Qisada Xiddiga Burburiyey Qatar Ee Enner Valencia

Kabtanka xulka qaranka Ecuador ee Enner Valencia  ayaa laba gool ku furtay Koobka Adduunka qaybta hore ee ciyaartii koowaad ee sannadkan oo ay waqti horeba muquuniyeen Qatar oo ah dalka martigelinayay. Enner Valencia ayaa daqiiqaddii afraad madax ku dhaliyey gool muran dhaliyey oo VAR ay ka diidday, hase yeeshee waxa uu raaciyey laba gool oo midkood madax ahaa, midna rikoodhe ahaa.

ADVERTISEMENT

Weeraryahankan hore ee West Ham iyo Everton, ayaa waxa rikoodhkiisa ku jira dhacdooyin layaableh oo qaarkood ay yihiin kuwo madow.

Sannadkii 2017 ayuu ka tegay England isaga oo ah wali ciyaartoy aad u sarreeya, waxaanu u wareegay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce, isaga oo halkaas kasii watay ciyaaraha, iyadoo haddana uu yahay kabtanka xulkiisa.

Ecuador ayaa uu u hoggaamiyey Qatar, mana noqon hoggaamiye xun ee waxa uu kasoo baxay shaqadiisa isaga oo laba jeer  hoggaanka u dhiibay, xilli ay Qatar u muuqanayso inay is-dhiibtay 45kii daqiiqadood ee hore.

ADVERTISEMENT

Sannadkii 2016, Valencia ayaa ka ciyaaray kulan isreeb-reebka Koobka Adduunka ahayd oo u dhaxaysay Ecuador iyo Chile, waxaana uu dhulka isku tuuray daqiiqadihii ugu dambeeyey isaga oo koomo been-abuur ah is-geliyey, waxaanay taasi keentay in lagu xidho oxygen, balse xaqiiqadu waxay ahayd inuu ka baxsanayay in ay boolisku xabsiga u taxaabaan.

Sidoo Kale Akhri

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

February 6, 2023
Aubameyang Oo Badheedhay & Lambarka Uu Chelsea U Qaatay Oo Layaab Ku Noqday Jamaahiirta Kooxdaas

Maxay Ahayd Sababtii Uu Aubameyang Uu Isaga Tagay London

February 6, 2023

Garoon weyn oo golf lagu dheelo oo ay ciyaartaasi ka dhacday ayaa lagaga saaray baabuur yar oo kuwa ciyaartoyda dhaawaca ah garoonka lagaga qaado ah, waxaana layaab lahayd in booliska uu ka baxsaday iyadoo muuqaalkan hoose laga arkayo booliska oo daba ordaya baabuurka lagu qaaday Enner Valencia.

Dembiga loo haystay Valencia waxa uu ahaa lacag gaadhaysa £13,000 Gini oo ahayd biilka canug aanay warbixintani sheegin cidda dhashay laakiin ay maxkamaddu ku xukuntay, sidaas ayaanu kaga baxsaday booliska.

Halkan ka daawo muuqaalka Valencia oo booliska ka baxsanaya

Ecuador kick off the World Cup today.

Here's their captain Enner Valencia faking an injury to avoid getting arrested over £13k of unpaid child support.

The former Everton striker was driven away on a stretcher while 13 policemen gave chase. pic.twitter.com/oNCfKMbj6t

— The Upshot (@UpshotTowers) November 20, 2022

ADVERTISEMENT
Share435Tweet272
ADVERTISEMENT

Related Posts

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay suurtogal tahay in laga saaro horyaalka Premier League oo heerka labaad loo dhaadhiciyo, kaddib markii maanta uu...

Aubameyang Oo Badheedhay & Lambarka Uu Chelsea U Qaatay Oo Layaab Ku Noqday Jamaahiirta Kooxdaas

Maxay Ahayd Sababtii Uu Aubameyang Uu Isaga Tagay London

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Comments 1

  1. Capaaze Hazzan says:
    3 months ago

    SanadKii 2016kii koob aduun lama ciyaarinbee

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.