Barcelona khadkeeda dhexe ee Frankie De Jong ayaa u sheegay tababare Erik Ten Hag inuu ku farxi doono haddii uu Man United kula soo biiro. (Mirror)
West Ham United ayaa xiisaynaysa inay suuqa January amaah ku qaadato daafaca midig ee Man United ee Aaron Wan-Bissaka. (Manchester Evening News)
Fiorentina khadkeeda dhexe ee Sofyan Amrabat ayaa doorbidaya inuu ku biiro Liverpool bedelka Tottenham. (Foot Mercato via Inside Futbol)
Liverpool ayay ugu macquulsan tahay inay January la saxeexato Sofyan Amrabat iyadoo kasii shaqaynaysa xagaaga saxeexyada Jude Bellingham iyo Enzo Fernandez oo Dortmund iyo Benfica ka kala tirsan. (Team Talk)
Chelsea iyo Liverpool ayaa xiisaynaya 21 sano jirka khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo. (Sky Sports)
Wakiilka Arthur Melo ayaa sheegay inaan xiddigiisu January ku noqon doonin Juventus oo uu dhammaysan doono amaahda uu kula joogo Liverpool. (TuttoMercatoWeb – in Italian)
Barcelona ayaa xiisaynaysa 18 sano jirka weerarka Borussia Dortmund ee Youssoufa Moukoko balse diidan inay lacag ka bixiso iyadoo bilaash ku doonaysa xagaaga dambe marka heshiiskiisu dhaco. (Football Transfers)
Chelsea ayaa rajaynaysa inay Real Madrid iyo Man City ku garaacdo saxeexa daafaca dhexe ee RB Leipzig ee Josko Gvardiol iyadoo January dalab 45 Milyan pound ah ka gudbinaysa. (Sun)
Manchester United ayaa suuqa January isha ku haysa saxeexa weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram.(Sport Bild via Sun)
Atletico Madrid tababaraheeda Diego Simeone ayaa xoojin daafaca ah doonaya wuxuuna ka fikirayaa inuu January u dhaqaaqo daafaca dhexe ee Leicester ee Caglar Soyuncu. (Team Talk)
PSV Eindhoven tababaraheeda Ruud van Nistelrooy ayaa sheegay inaysan awoodin inay bixitaan kahor istaagaan weeraryahan Cody Gakpo oo Man United lala xidhiidhinayo. (90min)
Adrien Rabiot ayuu heshiiskiisa Juventus xagaaga dambe ku eeg yahay, Juve ayaan la filayn inay January iska iibiso Rabiot maadaama uusan Paul Pogba wali dhaawacii jilibka kasoo kaban. (Calciomercato – in Italian)
Inter Milan daafaceeda Stefan de Vrij ayuu wakiilkiisu sheegay inay dalabaad badan u hayaan xilli heshiiska 30 sano jirkaas ee Inter xagaaga dambe dhacayo. (TuttoMercatoWeb – in Italian)
Manchester United ninka qaybta ku leh ee Avram Glazer ayaa intii uu magaalada Doha joogay kulamo la yeeshay Bilyaneerada ay suurogalka tahay inay kooxda ka iibiyaan oo ay kamid yihiin kuwo Saudi iyo Qatar kasoo jeeda. (Athletic – subscription required)