Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Croatia Oo Kaalinta SADDEXAAD Ee Koobka Adduunka Ku Dhamaysatay Iyo Xiddigihii Afrika Sharafta Usoo Hooyey Oo Laba Guul-darro Isku-xigsiiyey

by Abdiwahab Ahmed
December 17, 2022
0
Croatia Oo Kaalinta SADDEXAAD Ee Koobka Adduunka Ku Dhamaysatay Iyo Xiddigihii Afrika Sharafta Usoo Hooyey Oo Laba Guul-darro Isku-xigsiiyey

Xulka qaranka Croatia ayaa ku dhamaystay kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka kadidb markii ay 2-1 ku garaaceen Morocco oo taariikh cusub ka samaysay Koobka Adduunka, isla markaana  sharaf usoo hoysay qaaradda Afrika.

ADVERTISEMENT

Laba gool oo qaybtii hore ay Croatia u kala dhaliyeen Josko Gvardiol iyo Mislav Orsic ayaa ku hoggaamiyey in ay kaalinta saddexaad kaga dhamaystaan Koobka Adduunka ee ay sannadkii 2018 finalkiisa tageen oo Faransiisku uu ka qaaday Koobka.

Morocco oo bandhig fiican samaysay ayaa waxa qaybta hore gool madi ah u saxeexay Achraf Dar, hase yeeshee waxay iska khasaariyeen fursado badan oo ay ku wiiqi karayeen Croatia oo ay goolka barbarraha xilli horeba ku keeni krayeen.

Croatia

ADVERTISEMENT

Walid Regragui ayaa eersaday isbeddello badan oo uu ku sameeyey shaxdii looga bartay ee uu ku ciyaarayay kulamadii hore ee Koobka Adduunka, waxaana taas ka faa’iidaystay xulka Croatia oo heshay fursad ay ku maamusho ciyaarta oo ay guushana ku xaqiijisato.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Daqiiqaddii toddobaad ee ciyaarta ayaa uu difaaca dhexe ee Gvardiol hoggaanka u dhiibay Croatia kaddib markii uu madax awood badan ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo uu dhinaca bidix kasoo qaaday Ivan Perisic, taas oo goolhaye Bounou aanu helin wax fursad ah oo uu ku joojiyo.

Gvardio1

Goolkaasi masii waarin waxaana laba daqiiqadood kaddib ka daba yimid Achraf Dari oo isaguna madax ku dhamaystiray kubbad uu soo laaday Ziyech oo uu soo difaacay Majer, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 1-1.

Gvardiol oo ah ciyaartoyga goolka hore u dhaliyey Croatia ayaa sabab u ahaa in Morocco ay keensato goolka barbarraha, waxaana uu galay qaladka laadka xorta ah loogu dhigay Croatia.

ADVERTISEMENT

Dari

Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Croatia keensatay goolka barbarraha oo ahaa mid qurux badan oo uu Mislav Orsic ka toogtay bannaanka, isla markaana goolhaye Bounou uu joojin kari waayey.

Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada xul si adag ugu dagaallameen, waxaanay ahayd mid aan ka duwanayn kulankoodii wareegga group-yada ee ay barbarraha ku dhamaysteen. Tababare Dalic ayaa  ku faraxsanaa sida xooggan ee ay kooxdiisu daqiiqadihii ugu horreeyeyba ku bilaabatay halka macallinka Morocco oo ay ciyaartoydiisu gaabis ahaayeen intii hore ay samaynayeen weerar rogaal celis halis ahaa.

Mislav Orsic

Croatia ayaa ku dooday in rikoodhe ay xaq u leedahay markii uu Gvardiol kubbad la dhex orday ciyaartoyda Morocco ee uu ula tegay goolhaye Mounou, balse markii uu kubadda laadayay ayaa waxa lugta u dhigay Amrabat oo dhulka ku riday. Garsooraha ayaa ku adkaystay in ay ciyaartu socoto, sidoo kalena VAR ayaa ku raacday go’aankaas.

En-Nesyri ayaa kubbad halis ahayd waxa ka badbaadiyey Gvardiol oo kaddib bahdilaaddii uu ku sameeyey Lionel Messi isasoo canaantay oo bandhig heersare ah ka sameeyey kulankan. Livakovic ayaa ugu tegay oo la badbaadiyey kubbadda En-Nesyri.

Fursad weyn ayay Croatia iska khasaariyeen dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan tahay. Kubbad uu Stanisic u dhiibay Kovacic ayaa waxa uu usii gooyey Amrabat kaddibna laad awood badan ku toogtay goolka, balse waa uu dhinac mariyey.

Croatia thir place

Daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah ayuu Attiat-Allah uu dhinaca bidix kasoo jabiyey kubbad uu madax ku qabtay En-Nesyri oo ka dul-kacay Perisc, balse waxay kubaddu waxyar ka dallacantay goolka iyada oo shabaqa  dushiisa kusoo dhacday.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacay Croatia oo sidaas ku noqday dalka kaalinta saddexaad kaga dhamaystay Koobka Adduunka, halka Morocco ay kaalinta afraad ku dhamaysatay, waana rikoodh aanay hore u gaadhin qaaradda Afrika.

Share278Tweet174
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.