Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Cristiano Ronaldo Oo Taageeraya Argentina Kulanka Finalka Koobka Adduunka – Sababtuna Waa Tan

by Saed Mohamed
December 18, 2022
0
Ronaldo Messi

Inkastoo Cristiano Ronaldo laga soo reebay Koobka Adduunka hadana taasi lama micno ahan inuusan xiiseyneynin inuu ogaado kooxda loo caleemo saarayo Xulka Dunida oo ay ku tartamayaan France iyo Argentina.

ADVERTISEMENT

Dad ayaa isweydiinaya xulka uu Cristiano Ronaldo la doonayo Koobka Adduunka.

Inkastoo ay caqligal tahay in lagu fekero inuu taageero xulka France madaama Argentina uu u ciyaaro ninka ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi, hadana xaqiiqdu sidaasi waa ka duwan tahay.

Waxaa baraha bulshada lagu wadaagayaa muuqaal uu Cristiano Ronaldo uga hadlo jaceyl uu u qabo Argentina iyo dadkeeda, sababtuna waa saaxiibtiis Georgina Rodriguez.

ADVERTISEMENT

Gabadha caruurta u dhashay waxay heysataa dhalasho Argentine ah, sidaasi darteed xiddiga kabtanka Portugal uu xushmad weyn u hayaa wadanka ay ka soo jeedo.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

“Saaxiibteey waxay u dhalatay Argentina. Dadka badinkiis ma oga laakiin bar waxay ka tahay Argentina barka kalana waxay ka tahay Isbaanish.” ayuu yiri Ronaldo.

“Aad ayaan u jeclahay Argentina, dadka badankiis waxay moodaan inaanan jecleyn, laakiin wax badan ayaan jeclahay Argentina”

Sidaasi darteed xiddigii hore ee Manchester United wuxuu maanta taageeri doonaa Argentina iyo Messi bedelkii uu taageeri lahaa Kylian Mbappe iyo France.

Ronaldo ayaa maalmihii la soo dhaafay tababar ku qaadanayay xarunta Real Madrid laakiin waxaa la sheegay inuu ka tagay haatan isagoo u duulay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

ADVERTISEMENT
Share536Tweet335
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.